6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 11, 2025
Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo sheegtay in la bartilmaamaysaday marinada miyiga ah ay isticmaalaan Al shabaab
 

Arbaco, Juun 11, 2025 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen tuulooyinka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo lagu dilay tiro ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa lagu xusay in howlgalkaan la qaaday iyadoo la adeegsanayo xog sirdoon ay qeyb ka aheyd qorshaha dowladda Federaalka uga gol leedahay in lagu burburiyo kooxda Al shabaab, si looga ciribtiro haraadigooda loogana xoreeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan koonfurta dalka.

Wasaaradda ayaa tilmaamtay in Ujeedada howlgalkaan Sabiid iyo Caanoole ka dhacay uu ahaa mid lagu doonayay in lagu jaro marinada ay isticmaalaan Al shabaab, lagana hortago isku uruursigooda iyo weerarrada ay ka abaabulaan meelaha miyiga ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shaaca ka qaaday inay bogaadinayso Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ku adkeysay inay xoojiyaan difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Degaanka Sabiid iyo Canoole dhowr jeer ayay isku fara saareen Ciidamada Dowladda iyo kooxda Al shabaab, Waxaana wasaaradda Gaashaandhiga ay carabka ku dhufatay inay wali ku raad joogaan Koox ka tirsan Al shabaab oo ka baxsaday howlgalka inta uu socday.