Arbaco, Juun 11, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Cabdullaahi Sheikh (Jifojabsade) ayaa beeniyay in tacaddi loo geystay ganacsato kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo baraha bulshada kasoo muuqday iyagoo lugaha iyo gacmaha ka xiran.
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in ganacsatadan ay iyagu raali ka yihiin in la xiro si loo bixiyo Diyada nin 19 sano ka hor la dilay oo loo haysto beesha ay kasoo jeedaan ganacsatadan.
Wuxuu sheegay gudoomiyuhu in beesha diyada rabta iyo iyagaba ay ku heshiiyeen ficilka baraha bulshada kasoo muuqday, oo ahaa iyagoo gacmaha iyo lugaha ka xiran, inkastoo uu sheegay guddoomiyuhu in siyaabo qaldan loo fasiray.
“19ka sano ninka ay dileen maamulkooda masoo qaban, oo magtii ma aysan bixin. Nimankii beeshooda kasoo jeeday waxay sameeyeen inta ay silsilado lugaha iyo gacmaha isaga xireen oo sawirro iska qaadeen ayay reerahooda ugu direen whatsupp, si magta loosoo dadajiyo,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Guddoomiye Jifojabsade ayaa nasiib darro ku tilmaamay in arrintii loo beddelay siyaasad, halkii laga sugayay in reerahooda ay magta soo ururiyaan.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xarig sharci darro ah ku tilmaamay ganacsato kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee lagu xiray magaalada Gaalkacyo.