6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 12, 2025
Puntland oo mamnuucday in Garowe lagu qabto shirar siyaasadeed oo uusan maamulku raali ka ahayn
 

Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa mamnuucay in magaalada Garowe lagu qabto shirar ama kulamo siyaasadeed oo aan oggolaansho rasmi ah ka haysan dowladda, iyadoo si gaar ah digniin loogu diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aan ka tirsanayn xisbiyada siyaasadeed ee ka diiwaan gashan Puntland.

Go’aankan ayaa kasoo baxay Guddiga Amniga Gobolka Nugaal, kadib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Garowe. Tallaabadan ayaa timid maalmo kaddib markii Garowe laga dhawaaqay gole mucaarad ah oo lagu magacaabo Golaha Caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda, kaasoo lagu sheegay mid u taagan difaaca xuquuqda muwaadiniinta iyo la xisaabtanka maamulka.

Duqa magaalada Garowe, Geeddi Axmed Tuurre, oo ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in aysan aqbali doonin cid kasta oo isku dayda inay sameyso ficillo wax u dhimi kara xasilloonida iyo kala dambeynta magaalada. “Waxaan tallaabo ka qaadaynaa dhammaan fal kasta oo khalkhal gelin kara ammaanka iyo kala dambeynta Garowe,” ayuu yiri.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si adag uga hor yimid go’aankan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ka tarjumaya sida maamulka Puntland uu u diidan yahay in la maqlo codka dhaliilaha ama dadka qabta aragti ka duwan tan dowladda.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, ayaa cambaareeyay hadallada kasoo baxay Guddiga Amniga, isagoo ku tilmaamay "tallaabo liddi ku ah dastuurka Puntland iyo mabaadi'da dowladnimada".

“Hadalladii kasoo baxay shirkii maanta lagu qabtay Garowe ee lagu sheegay in aysan suurtagal ahayn in shirar siyaasadeed lagu qabto caasimadda haddii aysan dowladdu raalli ka ahayn, waxay si cad u muujinayaan caburin siyaasadeed iyo ku xad-gudubka qodobbada dastuuriga ah ee dammaanad qaaday isu imaatinka iyo xorriyadda hadalka,” ayuu yiri Xasan Shire.

Wuxuu intaas ku daray in maamulka hadda jira uu ka leexday hannaankii dastuuriga ahaa ee Puntland lagu dhisay, isagoo tilmaamay in la luminayo furfurnaantii, kala dambeyntii iyo ixtiraamkii xorriyadaha muwaadiniinta.