Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista shidaalka Soomaaliya, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay sahanka shidaalka ee uu kawaday biyaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyay howl-wadeenada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalladooda ku aaddan sahankan istiraatiijiga ah, isagoo muujiyey in natiijada baaristan ay wax weyn ka beddelayso xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee Labada Dowladood.
“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa'iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho, Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay dadaalka dowladda ee kobcinta dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodonka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalkeenna.
Markabka Oruç Reis ayaa soo gaaray Soomaaliya dhamaadkii sanadkii 2024 isagoo guda galay sahamin shidaal dhul gaaraya ku dhawaad 5,000 oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo u dhigma (1,930 mayl laba jibaaran).
Kormeerka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay Dowladda Turkiga ay maanta si rasmi ah u sheegtay in markabkoodi sahminta shidaalka kawaday Biyaha Soomaaaliya uu howlgalkiisa soo gabagabeeyay dibna ugu laaban doono dalka Turkiga 15ka Bishaan June.