6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 12, 2025
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta ansixiyay xeer nidaamiyaha xargaha isgaarsiinta ee badda hoos mara
 

Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) - Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara, si loo ilaaliyo badqabka isgaarsiinta dalka kaas oo muhiim u ah xoojinta amniga, madaxbannaanida, iyo nidaamka isgaarsiinta qaranka.

Xargaha isgaarsiinta ee badda hoos mara ayaa ah laf-dhabarta xiriirka caalamiga ah, maadaama ay xambaarsan yihiin in ka badan 95% xogta internet-ka ee dunida.

Waxaana dal kasta oo doonaya inuu si dhab ah uga mid noqdo dhaqaalaha dijitaalka ah ee caalamka, waxa lama huraan u ah inuu yeesho nidaam sharciyeed hufan oo lagu hago gelitaanka, dejinta, hawlgelinta, iyo kormeerka xargahaas, sida ay sheegtay Wasaaradda Isgaarsiinta.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda ee Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Macallim ayaa si weyn u soo dhoweeyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda Hoos Mara.

Xeer-nidaamiyahan wuxuu Ku saleysan yahay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka (Sharci Lr. 005 ee 2017) Sidoo kale wuxuu la jaanqaadayaa sida ay sheegtay Wasaaradda Isgaarsiinta, Heshiiska Habraaca Mideysan ee Xargaha Feebarka oo la saxiixay 23 Nofeembar 2023, iyadoo uu xambaarsan yahay dhowr tiir oo muhiim ah:

1.  Hirgelinta nidaam caddaalad ah oo ku saabsan codsiga iyo bixinta rukhsadaha la xiriira xargaha badda hoos mara.

2.  Dhisidda suuq furan oo tartan leh, si dhammaan shirkadaha rukhsadda haysta ay si siman ugu helaan adeegyada.

3.  Sugidda danaha qaran, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha Amniga, Deegaanka & Cimilada, Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

4.  Xoojinta isla xisaabtanka iyo kormeerka sharciyeed, si looga hortago xadgudub kasta oo ka dhaca goobaha xargaha lagu xiro.

Ugu dambeeyntii, Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya ayaa xustay in ay sii wadi doonto dadaallada lagu sugayo in dalka yeesho isgaarsiin xasiloon, ammaan ah, oo sharciyeysan.