Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 12, 2025
Dagaal xoogan oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan
Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta deegaanka Ceel hareeri ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa kooxda Al-shabaab.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu qarxay kadib markii weerar qorsheysan ku qaadeen ciidanka Macawiisleeyda goob ay isku aruursanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab oo ku taala duuleedka Ceelhareeri.
Hubka culus ee labada dhinac isku adeeg sanayeen ayaa laga maqlayay deegaano ka fog fog Ceel hareeri, waxaana lasoo warinaya inuu ka dhashay dagaalka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labada dhinac.
Si kastaba ha ahaate wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay Ceel hareeri oo qaatay mudo ka badan hal saac oo xiriir ah, hayeshee wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Bilowgii bishaan ayay aheyd markii deegaanka Ceel hareeri ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo socday afar maalmood oo xiriir ah, islamarkaana Al-shabaab looga dilay ku dhawaad 100 xubnood oo uu ku jiray horjoogihii uga halista badnaa Al-shabaab ee deegaanada maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle Nuur Cabdi Rooble Nuunuule.