Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay maanta in ay xarumaha Caafimaad iyo Waxbarashada ay Dowladda maamusho ay galin doonaan koronto lacag la'aan ah.
Wasiir Bidhaan ayaa tilmaamay in mashruucaan uu yahay mid ay kawada fulin doonaan ilaa 7 magaalo oo kutaala Soomaaliya, waxaana ugu horeyn lagu bilaabaya magaalada Muqdisho.
Waxa uu shaaca ka qaaday Wasiirka in korontada cadceeda ku shaqeeysa ay galin doonaan isbitaalada iyo xarumaha Waxbarashada ee hoos yimaada Dowladda, waxaana uu maanta kormeeray isbitaalada Madiina, Banaadir iyo Martiini iyo Jaamacadda Ummadda oo ay ka socotay shaqada naleeynta cagaaran si korontada shirkadaha gaarka loo leeyahay uga maarmi lahaayeen.
“60 xarumo dowladeed ah oo is kugu jiraan Isbitaallo iyo dugsiyada Waxbarashada ee dowladda ayaan maalmo gudahood siin doonnaa koronto lacag la'aan ah, waxaana howlahaan la dhamaystiri doonaa labada todobaad ama seddexda todobaad ee soo socda” ayuu ku yiri Wasiirka oo maanta Shir jaraaid ah ku qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxa uu soo qaatay Tusaale ahaan in Isbitaalka Madiina inuu si bille ah u bixiyo kharash ahaan korontada $28,000 si lamid ah isbitaalka Banaadir haduusan ka yareyn ama ka badneeyn, sidaa awgeedna ay keyd u noqon doonto lacagahaani hadii korontadaan bilaasha ah ay helaan si kharashkaasi ay uga faaideystaan inay ku hormariyaan adeegyada caafimaad ay bixiyaan.
Ugu dambeeyntii, Wasiir Bidhaan ayaa carabka ku adkeeyay in wasaaradiisa ay hiigsanayso in sanadaha soo socdo la dhimo kharashaadka muwaadiniinta uga baxa korontada oo ay magaalooyinka waa weyn ka hir galin doonaan mashruucada cadceeda solarka ku shaqeeysa.