6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 12, 2025
Kalluumaysato Soomaaliyeed oo muddo 45 cishe ku go'doonsanaa badda oo Muqdisho lagusoo celiyay
 

Khamiis, Juun 12, 2025 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo muddo 45 maalmood ah ka go’doonsanaa badda, kaddibna lix bilood ku xirnaa xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya.

Kalluumeysatadan oo dhammaantood ah reer Muqdisho, ayaa sheegay in ay badda ku lumeen xilli ay ku jireen howlo kalluumeysi, kadib markii uu ka cilladoobay matoorkii doontooda. 

Waxay tilmaameen in ay ku sigteen dhimasho markii ay ka go’day sahaydii ay wateen, ayna ku qasbanaadeen in ay cunaan kalluun ceeriin ah islamarkaana ay cabaan biyaha badda si ay usii noolaadaan.

Ugu dambeyn, iyagoo maraya xeebaha Maldives ayaa la badbaadiyay, waxaana loo wareejiyay dalka Liibiya halkaas oo lagu xiray muddo lix bilood ah.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa dadaal dheer kadib ku guuleysatay in laga sii daayo xabsiga Liibiya, islamarkaana dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

Kalluumeysatadu waxay sidoo kale sheegeen in safarkooda kalluumeysi uu ku bilowday xilli baddu aad u kacsanayd, ayna wateen sahay ku filan oo loogu talagalay 10 cisho kaliya.