Sabti, Juun 14, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Xil. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo shir jaraaid ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa hambalyo u diray ardeyda dugsiyada sare ee Beeraha oo markii ugu horeeysay burburkii kadib maanta u fadhiistay imtixaanadka mideeysan ee heer Qaran.
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in in kabadan 40 arday oo waxkabarata Dugsiyada sare ee Beeraha ee ku kala yaala Degmooyinka Jowhar iyo Marka ay maanta imtixaanaadka mideeysan ay qaranka u fadhiyaan, waxaana uu ku tilmaamay inay tahay wax wanaagsan oo ay ardayda ku faani karaan ayna uga duwan yihiin ardada kale ee maanta imtixaanka u fadhisa.
Waxa uu shaaca ka qaaday wasiir Maareeye in ardeyga dugsigiisa sare kusoo qaatay Beeraha haddana galay Jaamacad uu ka wanaagsanaan doono midka Dugsigiisa wax kale kusoo qaatay ee Jaamacad beeraha galay maadama uu dugsigiisi hoose iska soo dhisay.
"Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda dugsiyada sare ee beeraha oo markii ugu horreysay burburka kadib galaya imtixaanka mideysan ee heer Qaran, waa wax wanaagsan in ardayga uu barto xirfad oo noloshiisa caawin doonta, dhammaan ardeyda sida guud waan u hambalyeenayaa ee maanta imtixanaadka mideysan u fadhisa iyo wasaaradda waxbarashada oo sanadkii 11aad qaadeysa" ayuu shirkiisa jaraaid ku sheegay Wasiir Maareeye.
Waqti sii horeeysay oo maanta ah ayuu Ra'iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre waxa uu magaalada Muqdisho si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 12aad, sannad dugsiyeedka 2024/25, isagoo u rajeeyay ardayda Soomaaliyeed inuu alle u fududeeyo ayna guuleystaan.