Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2025
Guddoomiye Mungaab oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Warta Nabadda
Sabti, Juun 14, 2025 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuuseen Muungaab ayaa maanta xilka ka qaaday Guddoomiyihii Degmada Warta Nabadda Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey.
Guddoomiye Muungaab ayaa Liibaan Cali Maxamed u magacaabay Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda isagoona badeli doona Zeynab Xaabseey oo muddo 7sano ka badan maamuleysay Degmadaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Warta Nabadda in uu mudnaan siiyo harumarinta Degmada, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga.
Magacaabista cusub iyo xil ka qaadista lagu sameeyay maamulka Warta Nabadda waxaa ka horeeyay isbadal lagu sameeyay maamuladii Dharkeenlay iyo Waaberi uu Guddoomiye Muungaab Shaqooyinkiisi ugu horeeyay ka dhigay isbadalka Maamulada Degmooyinka.
Waxaa lasii saadaalinayaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu qorsheenayo inuu Maamulo kale cusub u magacaabo Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwa kalana xilka ka qaado.