6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2025
Madaxweynaha Soomaaliya: "Dowladnimada Soomaaliya kuma xirna taageerada caalamka kaliya
 

Sabti, Juun 14, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladnimada Soomaaliya aysan ku xirnayn taageerada beesha caalamka  laga helo, balse ay tahay mas’uuliyad iyo dadaal laga rabo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu tilmaamay, in beesha caalamka ay Soomaaliya ka taageertay dhinacyo badan oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada, hase yeeshee ay weli taagan tahay caqabadda ku aaddan kaalintii ay Soomaaliya laf ahaanteedu ka qaadan lahayd arrimahaas — gaar ahaan dhanka amniga.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay halka ay wax ka socon la’yihiin in ay tahay dhanka amniga. wuxuu sheegay helitaanka Dowlad dhameystiran oo Soomaaliyeed in ay ku xiran tahay sida ay Soomaaliya u xoojiso amnigeeda.

Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka gudbaan cabsi kasta oo ay qabaan, isla markaana ay si buuxda uga qeyb qaataan sidii dalka loo gaarsiin lahaa amni buuxa oo lagu kalsoonaan karo.

“Dalkeenna taladiisa, go’aan gaaristiisa, horumarintiisa iyo amnigiisa aynu ku filnaanno. Aan qabanno waxyaabo aanu caalamka noo qaban karin. Haddii aan amnigeenna sugno, caalamkuna dib-u-dhiska dalka wuu nagu garab istaagayaa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hadalkan ka jeediyay munaasabadda xil-wareejinta hoggaanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo caawa Muqdisho ka dhacday, taasoo uu xilka kula wareegayay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaran, Mahad Salaad.