Sabti, Juun 14, 2025 (HOL) - Madaxweyneha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in Ciidamada dalkiisa ay si adag oo xooggan uga jawaabi doonaan haddii xukuumadda Israa’iil ay sii waddo gardarrada ka dhanka ah Iiraan.
Pezeshkian ayaa hadalkan ka sheegay khadka taleefanka isagoo la hadlayay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, Sabtidii, kadib weerar ay Israa’iil ku qaaday Iiraan aroortii Jimcaha, kaas oo lagu beegsaday goobo badan oo ciidan iyo shacab ah oo ku yaal Tehran iyo magaalooyin kale.
“Dadka sheegta in ay u doodayaan xuquuqda aadanaha waxay si toos ah u taageeraan gardarrada xukuumadda Sahayuuniyadda (Isra’iil), waxayna dhiirrigeliyaan ficilladan bani’aadamnimo ka baxsan iyagoo siinaya hub iyo qalab,” ayuu yiri Pezeshkian.
Wuxuu intaas ku daray in xukuumadda Israa’iil oo ay gadaal ka riixayaan Mareykanka iyo dalalka Reer Galbeedka ay jabinayso dhammaan xeerarka caalamiga ah.
Wuxuu tilmaamay in weerarkii milatari ee ay Iiraan si guul leh ugu jawaabtay, laguna magacaabay “Hawlgalka Ballan-dhabe III”, uu muujiyay awoodda Jamhuuriyadda Iiraan u leedahay in ay isdifaacdo.
“Haddii Jamhuuriyadda Islaamiga ahi aysan lahayn awood ay iskaga difaacdo xukuumaddan dambiilaha ah ee ilmaha laaysa, waxay maalin kasta la kulmi lahayd duullaan lagu qaadayo dhulkeeda, dadkeeda iyo cilmi-baareyaasheeda,” ayuu yiri Madaxweynaha.
“Si kastaba, Iiraan waxay si geesinimo leh u ridday qaar ka mid ah qalabkii Israa’iil isticmaalaysay oo la sheegayay in aysan raadaarka qaban karin lagana adkaan karin,” ayuu sii raaciyay.
Pezeshkian wuxuu adkeeyay in Iiraan ay mar walba raadineysay nabad iyo xasillooni gobolka iyo dunida inteeda kale, balse weerarkii ugu dambeeyay ee Israa’iil uu caddeeyay in haddii aysan jirin awood ciidan oo difaac leh, dalku uu la kulmi karo weerarro ka yimaada xukuumad dhiigyo cab ah.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale xusay in Mareykanku taageero siiyo xukuumadda Israa’iil xilli ay socdaan wadahadallo aan toos ahayn oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, isagoo sheegay taasi in ay muujinayso in Washington aysan daacad ahayn lana aamini karin.