Axad, Juun 15, 2025 (HOL) - Madaweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa soo dhoweeyay Golaha Samatabixinta iyo badbaadada ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, isagoo ku bogaadiyay inay Puntland la qaateen aragtida dowlad dhiska Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay furitaanka kalfadhigga 56aad ee Baarlamaanka Puntland, ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay hannaan doorasho oo ay dadku ku wada socdaan, wuxuuna ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheikh inuu talada dhulka dhigo, lagana wada hadlo arrimaha cakiran ee horyaalka dalka.
Deni waxa uu ku celiyay in ay Puntland weli ku taagan tahay mowqifkii iyo go’aankii ay ka qaadatay wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya sanadkii 2022, kaddib markii sida uu sheegay ay arkeen meesha dalka loo wado inay tahay meel qaldan oo aan ka turjumayn danaha dadka Soomaaliyeed iyo dowladnimada ay rabaan.
“Waxay dadka Soomaaliyeed niyad jab ka qaadeen dowladnimada Soomaaliya. Waxay joogtaa meel u baahan in dadka Soomaaliyeed ay sameeyaan baraarug,’ ayuu yiri madaxweyne Deni.
Ugu dambayn waxa uu madaxweynaha Puntland ku baaqay in la isku yimaado, lagana shaqeeyo samatabixinta dalka, iyadoo aan cidna lagu faquuqayn aragtideeda.