6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 15, 2025
Madaxweyne Deni: Soomaaliya waxay u baahan tahay shirar go’aan wadajir ah lagu gaaro. Uma baahna wadatashi
 

Axad, Juun 15, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in uusan wax rajo ka qaban shirka wadatashiga ee uu madaxweyne Xasan Sheikh gogoshiisa fididiyay, kaasoo maanta lagu waday inuu qabsoomo, hase ahaatee dib u dhacay.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay, Soomaaliya in aysan u baahnayn shirar “ma dhalays ah” oo aan sax ahayn qabashadooda. Wuxuu sheegay xaaladda lagu jiro in aysan u baahnayn shirar wadatashi ah, balse loo baahan yahay go’aan wadajir ah.

“Sideedaba dowladdu xaaladdan oo kale markay ku jirto wadatashi uma baahna. Ra'yi baan ka qaadanayaa go’aankana anigaa iska leh uma baahna. Waxay u baahan tahay shirar dhab ah oo go’aan wadajir ah lagu gaaro, oo nin waliba kaalintiisa uu ka qaato” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni wuxuu soo jeediyay in la qabto shirweyne loo dhanyahay oo ay ka wada qeybgalaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Dowladaha xubnaha ka ah DFS, Madaxdii hore iyo shakhsiyaadka aan looga maarmin xal u hellida Arrimaha Soomaaliya, maaddaama sida uu sheegay, Golihii wadatashiga Qaran (NCC) uu hawlgab noqday.

Waxa uu bogaadiyay beesha Caalamka oo uu ku ammaanay kaalinta ay kasoo qaateen Dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo sheegay in weli loo baahan yahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen marxalada uu haatan dalku marayo.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid, iyadoo maanta loo ballansanaa inuu dhaco shir wadatashi oo uu dhawaan ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud. Lama oga sababta uu shirkaan u baaqday. 

Dhawaan, mucaaradka ayaa diiday inay ka qeyb galaan shirkan, iyagoo sheegay in madaxweynuhu uusan soo bandhigin ajandaha  shirkaan looga hadlayo.