Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa kusoo waramaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sadexdii cisho ee u dambeysay si isdaba joog ah ay u wadeen hawlgallo amni xaqiijin ah oo ka dhacay deegaannada Lukugooraw, Xaaway-Heedaw, Dabgal illaa Ceel-Lahelay oo ka tirsan gobolka Bakool.
Howlgalladaan waxaa hor kacaayay Taliye ku xigeenka Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ciidanka Xooga Soomaaliya Dhamme Cilmi Aadan Isaaq, waxaana lagu beegsaday dhowr saldhig ay lahaayeen Kooxda al shabaab.
Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay gaareen tuulooyin badan oo ay horay gabaad uga dhigan jireen kooxda Al shabaab, Wuxuu xusay in shabaab aysan u adkeysan karin culayska dagaalka, isla markaana ay iskaga firxadeen goobihii ay ku dhuumanayeen.
Taliye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in la burburiyey goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen dagalamayaasha Al shabaab, taasoo qeyb ka ah ayuu yiri howlgallada joogtada ah ee dalka looga sifeynayo kooxda Al shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka ee Macawiisleeyda ayaa horay usheegay in ay ku howlanyihiin ciribtirka kooxda Al shabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo xasilooni waarta.