6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 16, 2025
Suuragal ma tahay in Maraykanku ku biiro dagaalka Iran iyo Israa'iil?
 

Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si cad u muujiyay inuu doonayo in Mareykanku si toos ah ugu biiro dagaalka Iran. Ujeeddadiisu waa in la dumiyao xukuumadda Islaamiga ah ee Tehran, lagana hortago barnaamijka nukliyeerka Iran, kaas oo ay Israa’iil u aragto halis toos ah oo ka dhan ah jiritaankeeda.

Mareykanka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Israa’iil, wuxuu weligiiba ahaa tiir-dhexaadka taageerada militari iyo siyaasadeed ee Tel Aviv. Si kastaba ha ahaatee, gelitaanka dagaal toos ah oo Iran lala galo ma aha go’aan sahlan oo Mareykanku si deg deg ah u qaadan karo, iyadoo la eegayo khasaarihii uu kala kulmay dagaalladii hore ee Bariga Dhexe.

Mid ka mid ah sababaha keeni kara in Mareykanku si toos ah u galo dagaalkan waa haddii Iran weerarto saldhigyada uu Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe  ama ay beegsato muwaadiniin Maraykan ah sida uu Trump sheegay.

Si kastaba, Iran ma aha dal la fududaysan karo. Waa quwad miisaaman oo leh awood militari oo sareysa, waxay haysata gantaallo gaadhi kara ilaa 2,000km, hub culus oo kala duwan, sidoo kale waxaxay maamusha jabhado ka jira Bariga Dhexe sida Xisbullah, Xuutiyiinta, iyo Xamaas, barnaamijeeda nukliyeerka ayaa sidoo kale si degdeg ah u kobcaya.

Iran waxay leedahay tiro ciidan oo gaadheysa in ka badan 500,000 askari oo joogto ah, ciidamo gaar ah sida Sepah (IRGC), iyo awoodo elektaroonig ah oo horumarsan. Waxa kale oo ay ku taagan tahay juqraafi istaraatiiji ah oo fure u ah marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo 20% batroolka adduunka ka gudbo.

Israa’iil waxay horey ugu lug lahayd dagaallo Mareykanku galay, sida dagaalkii Ciraaq 2003, oo ay si dadban u taageertay si loo rido xukunkii Saddam Xuseen. Inkasta oo aanay si toos ah Mareykanka u gelin, saameynteedu way muuqanaysay.

Taariikhda dhow waxay sidoo kale muujinaysaa in markasta oo uu jiro dagaal ay Israa’iil la gasho kooxaha Iran taageerto in Mareykanku uu bixiyo taageero muuqata oo dhinacyo badan leh, sida difaaca Iron Dome, sirdoonka, hubka, iyo taageero siyaasadeed.

Haddii dagaalka hadda socda uu sii fido, islamarkaana ay dhacdo in Iran ay beegsato danaha Mareykanka ee Bariga Dhexe,  sida saldhigyadiisa ama maraakiibta badda, waxaa laga yaabaa in Mareykanku uu si rasmi ah dagaalka ugu biiro - si uu u difaaco danihiisa iyo  Israa’iil.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu si toos ah ama dadban uga qeyb qaadanayo dagaalka, isaga oo sheegay in taageerada ay siiyaan Israa’iil ay ka dhigan tahay in Washington ay qayb ka tahay colaadda.

Si kastaba ha ahaatee, dareenka guud ee dadweynaha Mareykanka iyo siyaasiyiin badan ayaa ah in laga fogaado dagaal cusub. Dagaal wakhtigan ay Washington gasha wuxuu noqon karaa mid dhaqaale ahaan, siyaasiyan, iyo istaraatijiyad ahaanba khatar ku ah Mareykanka.

Ugu dambeyntii, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed oo degdeg ah, xaaladda u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil iyo xulafadeeda xaaladu waxay noqon kartaa mid gasha marxalad dagaa ballaadhan, taas oo saameyn ku yeelan karta Bariga Dhexe oo dhan, isla markaana dib u habayn ku samayn karta quwadaha gobolka iyo xitaa caalamka.