6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 16, 2025
Madaxweyne Deni: Hoos u dhaca dhaqaale ee Puntland waxaa sababteeda ugu weyn lahaa joogitaanka Daacish ee Calmiskaad
 

Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaale ee ka jira Puntland uu si weyn uga dhashay joogitaanka ururka Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in dhowaan la soo bandhigi doono daraasad ballaaran oo arrintan si qoto dheer u iftiiminaysa.

Deni oo ka hadlayay shir lagu qabtay Garowe oo looga doodayay horumarinta bangiyada ayaa sheegay in maamulka Puntland uu hayo caddeymo iyo dokumentiyo muujinaya in ururka Daacish uu lacago malaayiin dollar ah ka ururin jiray shacabka Puntland.

Waxa uu sheegay in dhaqaalaha laga qaado dadka Puntland loo diri jiray waddamo kale si loogu maalgeliyo howlgallo ay kooxda Daacish ka waddo dalal ku yaalla Afrika iyo Aasiya.

“Hoos u dhaca dhaqaale ee Puntland waxaa sababteeda ugu weyn laaha joogitaanka Daacish ee Calmiskaad. Markii aan tagnay Calmiskaad, waxaannu helnay caddeymo muujinaysa in malaayiin doollar ay ku kala wareegeen taleefoonnada ay adeegsadaan shirkadaha isgaarsiinta ee Puntland, lacagtaasna si toos ah looga diray gudaha Puntland, loona dirayay xubno Daacish ah oo ku sugan Mozambique iyo Nigeria,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu intaas ku daray in Puntland ay malaayiin doollar ku bixisay dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish, isagoo xusay in taageerada dowladaha shisheeye ee la siiyo Puntland ay ku kooban tahay gargaar dhanka cirka iyo dhulka ah, balse maamulka uu culayska ugu weyn isagu qaaday.