6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 16, 2025
Madaxweynaha Somaliland oo ku baaqay in colaadda Bariga Dhexe nabad lagu dhameeyo
 

Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku baaqay in beesha caalamku ka shaqeyso sidii nabad loogu xallin lahaa colaadda u dhexeysa quwadaha Bariga Dhexe, ee Iran iyo Israa'iil.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in colaaddu ay saamayn xun ku yeelan karto dhaqaalaha iyo nolosha shacabka reer Somaliland, isaga oo xusay in ay dhibaato weyn u geysanayso marinada ganacsiga caalamiga ah.

“Dunidu way ogtahay wixii ku dhacay dagaalkii kowaad iyo kii labaad. Waxaannu dunida u sheegaynaa in aan loo baahnayn dagaal saddexaad. Colaaddani waxay inagu yeelanaysaa saamayn taban, waana mid ka dhacaysa meelaha ugu muhiimsan ee ganacsiga caalamku maro – sida marinka Hormuz, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dhammaan dowladaha caalamka in ay  dajinta xiisadda ku dadaalaan, isla markaana nabad lagu soo dabbaalo colaadda, isagoo shacabka Somalilandna ku wargeliyay in ay u diyaar garoobaan saamaynta laga yaabo in ay ka dhalato dagaalka Bariga Dhexe.

“Maadaama ay suurto gal tahay in arrintaasi ay saameyn ku yeelato kaydka aynu haysano, haddii uu yahay raashin iyo haddii uu yahay shidaal, looma baahna in ganacsatada qaarkood u arkaan fursad ay ku kordhiyaan qiimaha, aan baxnaanino sida ay xiisadu isku beddesho," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Cirro.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in inkasta oo Somaliland aan weli la aqoonsan, ay haddana cod iyo mowqif ku leedahay arrimaha caalamiga ah, islamarkaana ay codkeeda ku biirinayso baaqyada lagu doonayo in nabad lagu dhex dhigo Iran iyo Israa'iil.

Haddii colaadda u dhexeysa Iran iyo Israa’iil sii xumaato, waxa la filan karaa in ay saameyso sicirka shidaalka caalamka oo kor u kaco, taasoo si toos ah u taaban doonta nolol maalmeedka shacabka ku nool Geeska Afrika. Islamarkaana, Somaliland oo si wayn ugu tiirsan badeecadaha dibada laga soo dejiyo, ayaa wajihi kartaa cunto yari iyo sicir barar ba’an.

Sidoo kale, dagaalkaasi wuxuu sababi karaa in maraakiibta ganacsiga laga leexiyo marinada muhiimka ah sida Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taasoo hoos u dhigi karta dhaqaalaha gobolka, isla markaana sare u qaadi karta khatarta amni ee badaha. Taasi oo adkeyn doontaa helitaanka sahayda muhiimka ah ee Somaliland ku tiirsan tahay.