6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 16, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Madasha Wadatashiga Qaran ee arrimaha siyaasadda dalka iyo mucaaradka oo aan ka qeyb galin
 

Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, isagoo madasha ka jeediyay khudbad uu diiradda ku saarayay adkaynta midnimada qaranka, dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalku dadaal joogto ah ku bixisay hirgelinta nidaamka doorasho toos ah, si buu yiri shacabka Soomaaliyeed si buuxda ugu doortaan hoggaankooda mustaqbalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhammaan dhinacyada siyaasadeed – muxaafid iyo mucaaradba – ay isku raacsan yihiin in dalka aan lagu celin doorashadii dadban.

“Gogosha aan dhignay waxay tusaale u tahay sida aan mudnaan u siinayno dhageysiga aragtiyaha kala duwan ee la xiriira dowladnimada. Maanta dowladdu waa mid furan oo u heelan wadatashi, arrin aan laga heli jirin dowladihii hore,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in inkastoo beesha caalamka ay Soomaaliya garab istaagtay, haddana mas’uuliyadda ugu weyn ee dhammaystirka dowladnimada ay saaran tahay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu naga taageeray intii karaankiisa ah, balse shaqada dhabta ah waxay inaga sugaysaa annaga – Soomaali ahaan waa in aan si dhab ah u qabsanno aayaha dalkeenna,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, shirkan waxaa ka maqnaa madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, madaxweyne hore Farmaajo iyo sidoo kale xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin inta badan xubnaha mucaaradka, kuwaas oo horey uga horyimid qabsoomidda shirkan, iyagoo dhaliilay habraaca iyo ujeeddooyinka laga leeyahay.