6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 16, 2025
Turkiga oo la aaminsanyahay in uu khiyaamay waddanka ay xulufada dhow yihiin ee Iran
 

Isniin, Juun 16, 2025 (HOL) - Sida ay werisay wakaaladda Middle East Eye (MEE), Dowladda Maraykanka ayaa habeenkii Khamiista si rasmi ah ugu wargelisay Turkiga qorshaha weerarka militari ee Israa’iil ku qaaday Iran. Isaga oo weerarku dhacay saacado kaddib, subaxnimadii Jimcaha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa u xaqiiiyay MEE in wargelintaas loo sameeyay si looga hortago in Turkigu ka xanaaqo weerarka, maadaama Turkiga iyo Israa'iil anay isku fiicnayn dhawaanahan. Waxaana u dhexeeya khilaaf ka dhashay joogitaanka ciidamada Turkiga ee gudaha Suuriya.

In kasta oo uu Turkigu horey u ogaa qorshaha weerarka Israa’iil, haddana ma uusan wargelin xulufadiisa dhow ee Iran. Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid dhaawacaysa kalsoonidii diblomaasiyadeed ee labada dal ka dhaxaysay. Iran ayaa arrintan u arki karta khiyaano toos ah, taasoo dhaawici karta xidhiidhka istiraatijiga ah ee labada dhinac.

Turkiga ayaa muddo dheer isku dayayay in uu isu muujiyo dal dhexdhexaad ah oo nabadda u ololeeya. Si kastaba ha ahaatee, ka gaabsashada weerarka militari ee lagu qaaday Iran waxay curyaamin kartaa sumcaddii uu ku dhistay doorka dhexdhexaadinta. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in Iran weydiiso sababta uu u wargalinwayahay haddii uu dhab ahaan doonayo xasillooni.

Sarkaal Israa’iili ah ayaa bishii hore u sheegay Middle East Eye in “Israa’iil aysan rabin in Turkigu si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqyada diyaaradaha Israa’iil, gaar ahaan haddii ay weerar ku qaadaan Iran.” Israa’iil waxay aad uga walaacsan tahay in Turkiga uu gacanta ku dhigo hawada Suuriya isla markaana halkaas ku rakibo nidaamka difaaca cirka ee S-400 ee laga keenay Ruushka" ayuu yidhi.

Iyada oo ay taasi jirto, Turkiguna uu ogaa weerarka hadana diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa la sheegay inay isticmaleen hawada Suuriya iyo Ciraaq si ay u fuliyaan weerarka ka dhacay gudaha Iran. Tan iyo bishii Diseembar, xukuumadda Netanyahu waxay burburisay nidaamyadii difaaca cirka ee Suuriya, taasoo dalkaasi ka dhigtay mid aan iska difaaci karin duqeymo cirka ah. Tani waxay sahashay in Israa’iil si xor ah u isticmaasho hawada gobolka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ciraaq ayaa Jimcihii dacwad rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo Israa’iil ku eedeysay inay si sharci darro ah u adeegsatay hawadeeda si ay weerar ugu qaaddo Iran. Tani waxay muujinaysaa sida dalalka gobolka u arkaan weerarka in uu yahay mid faragelin ku ah madaxbannaanidooda.

Dalalka gobolka iyo beesha caalamka ayaa laga yabaa inay shaki ka muujiyaan ujeedooyinka dhabta ah ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga. Wuxuuna halis ugu jiraa in lagu eedeeyo inuu ciyaarayo siyaasad xaydha jecli beerka jecli ah madaama uu dhinac kala shaqaynayo Israa’iil marka ay timaaddo danihiisa amni ee Suuriya, halka dhinaca kalena uu sheeganayo inuu u taagan yahay danaha Muslimiinta iyo nabadda Bariga Dhexe.

Haddii Iran si buuxda u rumaysato in Turkigu ogaa weerarka balse ka aamusay, waxaa suuragal ah in xidhiidhkooda diblomaasiyadeed uu si weyn u xumaado. Taasi waxay saamayn ku yeelan kartaa iskaashiga dhow oo labada dal ka dhaxeeya sida dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo istiraatijiyadda. Waxaa sidoo kale wiiqmi kara dadaallada uu Madaxweyne Erdogan ugu jiro in dalkiisu noqdo dhexdhexaadiye xal u helaya khilaafka Iran iyo Israa’iil.