Talaado, Juun 17, 2025 (HOL) - Xaaladda cakiran ee u dhexeysa Israa'iil iyo Iran ayaa gaadhay meel aad u khatar badan, kadib is-weydaarsi weerarro cirka ah oo si toos ah u dhexmaray labada dal. Inkasta oo dagaalku xilligan ku koobanyahay duqeymo cirka ah, haddana waxaa laga cabsi qabaa inuu isu beddelo dagaal baaxad weyn oo ku faafa guud ahaan Bariga Dhexe, isla markaana saameeya dunida inteeda kale. Su’aasha hadda taagan waa: maxaa laga filan karaa haddii colaaddani daba dheeraato?
Israa’iil iyo Iran waligood xidhiidh fiican ma yeelan. Sanadihii u dambeeyay, xiisaddooda ayaa si isa soo taraysa u koraysay. Iran waxay taageero buuxda siisaa kooxaha hubeysan ee la dagaallama Israa’iil sida Xisbullah iyo Xamaas, halka Israa’iil ay si joogto ah u beegsato kooxahan iyo saldhigyada Iran ee ku yaalla gobolka, iyada oo ka cabsi qabta in Iran ay noqoto quwad ku hubaysan nukliyeer.
Dagaalkan hadda socda ayaa qarxay kadib markii Israa’iil ay weerarro culus oo cirka ah ku qaaday gudaha Iran Jimcihii lasoo dhaafay, halkaas oo lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Iran. Iran oo weerarkaas si kulul uga falcelisay ayaa duqeyn ku qaaday magaalooyin muhiim ah oo Israa’iil ah, iyada oo sheegtay in ay tahay jawaab ay ka bixisay weerarka lagu qaaday Tehran iyo meelo kale.
“Israa’iil waxay na tustay wejigeeda dhabta ah ee dhiig-miiratada ah. Weerarkan wuxuu muujinayaa gardarrada Israa’iil, waxaana hubaa in iyada iyo Maraykanku ay ka shallayn doonaan wixii ay geysteen,” ayuu yidhi hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Cali Khumayni, kadib weerarkii lagu qaaday caasimadda Tehran.
Mid ka mid ah cabsiyaha ugu waa weyn ayaa ah in dagaalkani ku fido waddamo kale, gaar ahaan haddii xulafada labada dhinac si toos ah ugu lug yeeshaan. Iran waxay leedahay taageerayaal hubeysan oo ku baahsan gobolka, halka Israa’iilna ay leedahay xulafo istaraatiijiga ah sida Mareykanka iyo qaar ka mid ah waddamada Yurub. Haddii kooxaha Iran taageera sida Xisbullah, ama saaxiibada Israa'iil ay si buuxda uga qayb qaataan dagaalka, waxaa dhici karta in colaaddu isu beddesho dagaal ballaadhan oo gobol dhan gilgila.
Mareykanku waa saaxiib dhow oo istaraatiji ah u ah Israa’iil, wuxuuna marar badan caddeeyay in uu difaacayo danihiisa iyo kuwa saaxiibadiisa. Sida Trump sheegay haddii Iran ay beegsato danaha Mareykanka ee gobolka - sida saldhigyada milateri ama maraakiibta - tani waxay albaab u furi kartaa in Mareykanku si buuxda dagaalka ugu biiro, taasoo khatarta ka dhigi karta mid ka baxda xadka gobolka.
“Magaalada Tehran ha laga qaxo, Iran ma yeelan karto hub nukliyeer ah,” ayuu yidhi Donald Trump, hadalkaasi oo u muuqdaa in uu ku cabsigalinayo hoggaanka Iran si ay uga tanaasulaan barnaamijkooda nukliyeerka, ama tilmaam u ah suurtagalnimada in Mareykanku uu si toos ah dagaalka u galayo.
Waddamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa si dhow ula socda xaaladda iyaga oo walaac ka qaba saamaynta colaadda, inkasta oo qaarkood isu muujiyaan in ay saxiib la yihiin Tehran haddana marka laga eego xidhiidhkooda dhaw ee ay la leeyihiin Washington, waxaa suuragal ah in ay Israa’iil si dadban u taageeraan sida in ay siiyaan taageero sirdoon, dhaqaale ama agab ciidan - iyaga oo aan si toos ah dagaalka u gelin.
Dagaalka noocan ah wuxuu si degdeg ah u saameeyaa dhaqaalaha dunida, gaar ahaan qiimaha saliidda. Bariga Dhexe waa isha ugu weyn ee shidaalka adduunka, colaadda halkaas ka dhacdana waxay si toos ah u kicisaa qiimaha saliidda. Tani waxay si gaar ah u taabanaysaa waddamada saboolka ah iyo shacabka danyarta ah ee u nugul saameynta sare ee qiimaha maciishadda.
Bariga Dhexe laftiisa oo hoy u ah burbur dhaqaale, shaqo la’aan iyo qalalaase siyaasadeed wuxuu wajihi doonaa hoos u dhac dhaqaale oo cusub. Maalgashigii dibadda ayaa istaagi kara, dalxiiskii iyo ganacsigii ayaa xidhmi kara, taasoo si toos ah u saameynaysa nolol maalmeedka dadka rayidka ah, kuwaas oo horeyba u la daalaa dhacayay xaalado adag.
Waxa sii kordhaysa cabsiga laga qabo isticmaalka hubka wax gumaada, inkasta oo hadda aan la adeegsan hub nukliyeer ah, hadana mar kasta oo dagaalku sii dheeraado, waxaa kordhaya cabsida ah in dhinac uu go’aan khaldan qaato oo uu adeegsado hub waxyeello badan leh. Waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan kuwa Yurub, waxay aad uga baqayaan in Iran ay ku tallaabsato horumar degdeg ah oo dhanka nukliyeerka ah, taasoo abuuri karta khatar.
Qaramada Midoobay iyo ururro kale oo caalami ah ayaa isku dayaya in ay labada dhinac ku qanciyaan xabbad-joojin iyo wadahadal, balse dadaalladooda wali ma dhalin natiijo muuqata. Madaama loo baahan yahay in la helo diblomaasiyad dhab ah oo ka madax bannaan danaha quwadaha waaweyn, si xasillooni waarta looga hirgeliyo gobolka.