6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 18, 2025
Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirkii ugu horreeyay ee Ururka Caalamiga ah ee Daryeelka Duurjoogta oo lagu qabtay dalka india
 

Arbaco, Juun 18, 2025 (HOL) - Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Xildhibaan Xuseen Cali Xaaji, ayaa ka qeybgalay shirkii ugu horreeyay ee Ururka Caalamiga ah ee Daryeelka Duurjoogta (International Big Cat Alliance – IBCA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya.

Shirkan oo ay hoggaamineyso Dowladda Hindiya ayaa lagu aas-aasay urur caalami ah oo ujeedkiisu yahay ilaalinta iyo badbaadinta bisadaha waaweyn ee duurjoogta ah, sida shabeelka, haramcadka, libaaxa iyo noocyo kale oo halis ugu jira dabar-go’.

Wasiir Xuseen Cali Xaaji ayaa shirkan ka muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta duurjoogta ku nool gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. 

Wasiirka ayaa xusay in iskaashi caalami ah oo xooggan uu fure u yahay badbaadinta noolaha dabiiciga ah iyo xoojinta dadaallada deegaanka ee ka socda dalalka ay sida dhow u taabanayaan isbeddelada cimilada.

Waxa uu shirka ka sheegay Wasiir Xuseen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay ah in ay kaalin muuqata ka qaadato ilaalinta deegaanka, la dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo difaaca duurjoogta.

Shirka inta uu socday Xuseen Cali Xaaji ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Deegaanka, Dhirta iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Hindiya, iyagoo isla meel dhigay xoojinta iskaashiga labada dal ee ku saabsan deegaanka, tababarrada farsamada, iyo hawlgallada wadajirka ah.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalkii aasaaska u dhigay ururkan, taas oo caddeyneysa doorka muuqda ee ay ku leedahay dadaallada caalamiga ah ee ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta.