6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 18, 2025
150 Qof oo Lagu Dilay Weerar Hubeysan oo ka Dhacay Waqooyiga dalka Nijeeriya
 

Arbaco, Juun 18, 2025 (HOL) - Tirada dadka ku dhintay weerar hubeysan oo ay rag hubeysan ka fuliyeen deegaanka Yelewata ee gobolka Benue, ee Waqooyiga dalka Nijeeriya, ayaa gaadhay ugu yaraan 150 qof, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Isniintii.

Weerarkan foosha xun ayaa dhacay fiidnimadii Jimcaha, xilli dadka deegaanka intooda badani ay hurdayeen. Ragga weerarka qaaday ayaa si kadis ah u galay deegaanka, iyaga oo rasaas ku furay dadka deegaanka, kadibna gubay guryihii ay deganaayeen.

Qaar badan oo ka mid ah dadka la laayey ayaa ahaa dad horey uga soo barakacay dagaallo kale oo ka dhacay gobollada dariska ah, kuwaas oo hoy ka dhigtay suuq deegaanka ah oo ay u arkeen meel ammaan ah.

“Waxay rasaasta nagu soo fureen annagoo hurudna, kadibna guryihii bay dab qabsiiyeen. Dad badan ayaa goobta ku dhintay, kuwo kalena wali lama helin. Waxaan ku jirnaa raadinta meydad iyo dad maqan,” ayuu yidhi mid kamid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa la xigto sababo ammaan darteed.

Weerarkan waxaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee sanadkan ka dhaca gobolka Benue, wuxuuna muujinayaa heerka sii kordhaya ee rabshadaha u dhaxeeya beeraleyda iyo xoola-dhaqatada ee ku saleysan is-maandhaaf ku saabsan dhul daaqsin ah iyo biyo.

Ilaa hadda, ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarka. Hase ahaatee, weerarro noocan ah ayaa si joogto ah uga dhaca waqooyiga iyo badhtamaha Nijeeriya, halkaas oo isku dhacyo culus oo u dhaxeeya beeraleyda iyo xoola-dhaqatada ay ka taagan yihiin, gaar ahaan marka ay xoola-dhaqatada oo intooda badan ka soo jeeda qowmiyadda Fulani ay xoolahooda ku daaqsadaan dhul beereed ay leeyihiin dadka deegaanka.

Xoola-dhaqatadu waxay ku andacoodaan in dhulalkaasi ay yihiin wadooyin daaqsin oo sharci ahaan loo ansixiyay sannadkii 1965, shan sano kadib markii Nijeeriya ay xornimada qaadatay. Beeraleydu se waxay ku eedeeyaan xoola-dhaqatada inay beerohoodii burburiyeen, taas oo dhalisay colaado daba-dheeraaday oo sannado badan soo jiitamayay.

Gobollada waqooyiga iyo waqooyi-dhexe ee Nijeeriya ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay falal ammaan darro oo isugu jira weerarro argagixiso, budbcadnimo, iyo dilal qorshaysan oo lagu beegsado dadka rayidka ah. Kooxo hubeysan, oo qaarkood la xidhiidhinayo kooxaha jihaad-doonka ah sida Boko Haram iyo ISWAP, ayaa si joogto ah weerarro ugu qaada tuulooyin iyo xeryo barakacayaal ah.

Dowladda Nijeeriya iyo saraakiisha amniga ayaa dhowr jeer ballan qaaday inay la dagaalami doonaan kooxahan, balse falanqeeyayaasha amniga waxay sheegayaan in la’aanta jawaab degdeg ah iyo musuqmaasuqa gudaha ay sii adkaynayaan in la helo xal waara.

Dadka deegaanka waxay hadda u muuqdaan kuwo u nugul weerarrada joogtada ah, iyadoo dad badan ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba weeraro kale oo lagu soo qaado.