Arbaco, Juun 18, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay sagaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo doonayay inay tahriib ku gaaraan qaaradda Yurub, balse lagu xiray dalka Aljeeriya.
Aljeeriya ayaa noqotay mid ka mid ah marinada ugu weyn ee tahriibayaasha Soomaalida ee u socdaala Galbeedka Yurub.
Dhalinyaradan oo ka kooban shan wiil iyo afar gabdhood ayaa sheegay inay dhibaatooyin badan la kulmeen intii ay ku sugnaayeen xabsiyada Aljeeriya. Waxay muujiyeen farxad ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, iyagoo si gaar ah ugu mahad celiyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay gelisay sidii xorriyadooda dib loogu heli lahaa.
Dr. Maxamed Xuseen Gaas, Agaasimaha Guud ee Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda ay si weyn uga shaqaynayso xal u helidda arrimaha tahriibka.
Wuxuu xusay in wali ay jiraan dhalinyaro badan oo ku dhibaataysan dalalka ay u tahriibeen, kuwaas oo u baahan taageero iyo qorshe dib loogu soo celiyo dalka.
Bilihii la soo dhaafay, waxaa sare u kacay tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee isku dayaysa tahriibka, iyadoo magaalooyinka sida Muqdisho, Garowe, Laascaanood iyo Hargeisa ay noqdeen meelaha ugu badan ee laga dhoofa.
Nasiib darro, tiro badan oo dhalinyaro ah ayaa labadii bilood ee u dambeeyay ku naf waayay badda u dhaxaysa Aljeeriya iyo Spain, iyagoo rajaynayay nolol dhaanta tan ay ka haysteen dalkooda.