Arbaco, Juun 18, 2025 (HOL) - Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha dalka Aljeeriya, Kouidri Chakib Ismail, waxaana ay diirada saareen horumarinta warshadaha labada dal.
Kulankaan oo ka dhacay xarunta Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare oo ka tirsan rugta ganacsiga Aljeeriga, kuwaasoo muujiyay sida ay u daneynayaan iyo diyaar garow ku aaddan xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.
Labada Mas'uul ayaa si qoto dheer uga wada hadley fursadaha iskaashi ee ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha, iyo sidii loo horumarin lahaa xiriirka ganacsiga ee labada dowladood.
Safiir Yuusuf Jeego ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta, lana abuuro jawi ganacsi oo furan, kaasoo dhiirrigelin kara maalgelinta iyo iskaashiga u dhaxeeya ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Aljeeriya.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyay in la aas-aaso xiriir rasmi ah oo dhexmara Rugta Ganacsiga ee Soomaaliya iyo tan Aljeeriya, si loo fududeeyo is-dhaafsiga ganacsi, khibrado, iyo tababarro la xiriira warshadaha iyo suuq-geynta.
Ugu dambeyntii, labadaan Dowladood ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa isku raacay in la bilaabo hannaanka isku xirka ganacsatada labada dal, loona diyaariyo kulamo iyo shirar kor u qaada iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.