6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 19, 2025
Dowladda Federaalka oo ku eedeysay Madaxweyne Deni inuu hor istaag ku hayo mashaariic muhiim ah oo Puntland loogu talagalay
 

Khamiis, Juun 19, 2025 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu hor istaag ku hayo 17 mashruuc oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka, kuwaas oo la doonayay in laga hirgeliyo deegaanada Puntland si bulshada looga faa’iideeyo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa sheegay in dhammaan mashaariicdan ay diyaar u yihiin in la fasaxo, balse ay u baahan yihiin saxiixa Puntland si loo bilaabo fulintooda. 

Xaange wuxuu xusay in Madaxweyne Deni uu diiday qaar ka mid ah mashaariicda, halka uu kuwo kalena uu dalbaday in la fasaxo, taasoo keentay hakad soo jiitamayay tan iyo sanadkii 2022.

Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka aysan jirin sabab ay ku hor istaagto horumarka Puntland, isagoo tusaale u soo qaatay Jubbaland oo ay siyaasadda ku kala aragti duwan yihiin Dowladda Federaalka, haddana aanay taasi hor istaagin hirgelinta mashaariicda halkaas ka socda.

Sida uu sheegay, 24 mashruuc oo la qorsheeyay in laga fuliyo Puntland, waxaa haatan ka soconaya oo kaliya 7 mashruuc, halka inta kale ay xayiran yihiin, sababtuna tahay diidmada Madaxweyne Deni.

Wasiir Xaange ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay sannad walba Puntland u dirto malaayiin doollar oo lagu kabo miisaaniyadda maamulkaasi.

Dhinaciisa, Madaxweyne Siciid Deni ayaa dhawaan sheegay in uusan ogolaan doonin wax mashruuc ah oo leh dano gaar ah, ama ku saleysan ujeeddooyin siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka baxsan danta guud.