6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 19, 2025
Madaxweynaha SSC-Khaatumo oo si adag uga hadlay kiis kufsi wadareed ka dhacay Laascaanood
 

Khamiis, Juun 19, 2025 (HOL) - Madaxweynaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Cali Firdhiye, ayaa si kulul uga hadlay dhacdo kufsi wadareed ah oo magaalada Laascaanood loogu geystay labo hablood oo walaalo ah, taasoo si weyn uga gilgishey bulshada magaaalada Laascaanood.

Madaxweyne Firdhiye ayaa ammaanay hay’adaha amniga, kuwaas oo gacanta kusoo dhigay dhammaan eedeysanayaasha ku lugta lahaa kiiskaasi. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in eedeysanayaasha si degdeg ah loo horgeyn doono caddaaladda.

"Maamulka SSC-Khaatumo waxaa si adag uga go’an difaaca karaamada iyo xuquuqda haweenka. Tallaabada aan qaadeyno waxay damaanad qaadaysaa in gabadh kale oo reer SSC ah aysan dib dambe u ciiloon. Bahalladii falka geystay, dhammaantood gacanta ayay ku jiraan," ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye.

Madaxweynuhu wuxuu si adag u dhaleeceeyay ciidamada booliiska oo u ogolaaday mid kamid ah eedeysanayaasha inuu u fariisto imtixaanka shahaadiga ah, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid sharaf dhac ku ah SSC iyo hablaha kale ee imtixaanka u fadhiya. Wuxuuna ballan qaaday in ciddii mas'uul ka ahayd arrintaasi lala xisaabtami doono.

Sidoo kale, Madaxweyne Firdhiye ayaa soo dhoweeyay banaanbaxa ay dhigeen shacabka Laascaanood, isagoo sheegay dadku inay xaq u leeyihiin inay muujiyaan dareenkooda sida ay uga xun yihiin falkaasi foosha xun.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Firdhiye wuxuu cambaareeyay falal rabshado wata oo lagu burburiyay xarumo ganacsi iyo goobo dadweyne. Wuxuu sheegay in ay jiraan kooxo dano gaar ah leh oo kusoo dhex dhuuntay mudaharaadayaasha, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay rabeen inay fawdo ka abuuraan magaalada.

Ugu dambeyn, 24 qof ayaa haatan u xiran kiiskan kufsiga wadareed ah ee dhowaan ka dhacay magaalada Laascaanood.