Khamiis, Juun 19, 2025 (HOL) - Wefti sare oo uu hoggaaminayaan Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard Riley, iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Michael Langley, oo ay wehelinayeen saraakiil sarsare iyo diblomaasiyiin ka tirsan Dowladda Maraykanka, ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Weftiga ayaa markii ay Hargeysa yimaadeen kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada, kulankaasi waxa lagu lafo-guray sidii loo ambo qaadi laha iskaashi difaac iyo amni oo ay yeeshaan labada dhinac.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa sharaf u ah in ay martigeliso wefti heer sare ah oo ka socda dalka Maraykanka oo booqasho shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland (18.06.2025), si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo difaaca u dhexeeya labada dawladood,” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yidhi: “Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo wax-ku-ool ah oo muhiimad gaar ah u leh labada dal, gaar ahaan xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca.”
Madaxtooyadu waxay sheegtay in socdaalka weftigan sare ee Maraykanka uu muujinayo sida Somaliland uga go’an tahay adkaynta amniga, difaaca, ganacsiga, iyo iskaashiga labada dal.
Weftiga Maraykanka ayaa sidoo kale booqday magaalada istiraatijiga ah ee Berbera, halkaas oo ay qiimayn ku sameeyeen kaabayaasha muhiimka u ah difaaca iyo ilaalinta amniga gobolka.
Madaarka diyaaradaha ee Berbera oo ah xarun rayid iyo ciidan oo dhawaan casriyeyn lagu sameeyay, ayaa ka mid ahaa meelaha ugu muhiimsan ee ay kormeerka ku tageen.
Maalmihii u dambeeyay waxa baraha bulshada lagu baahinayay muuqaallo muujinaya diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka oo ku degaya garoonka diyaaradaha Berbera. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in taliska AFRICOM ay ilaa shan jeer booqdeen magaalada Berbera bilihii u dambeeyay.
Sida ay dhawaan qortay The New York Times, waxa socda wadahadallo u dhexeeya Dowladda Maraykanka iyo Somaliland, iyadoo Somaliland ay si cad u muujisay rabitaankeeda ku aaddan helitaanka aqoonsi rasmi ah oo ka yimaadda Maraykanka. Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa muujisay danayn ay u qabto samaynta saldhig ciidan oo ay ka furato magaalada Berbera.
Sida ku xusan dukumeenti 900-bog ka kooban oo ay qoreen xubnaha Jamhuuriga oo lagu magacaabo Mashruuca 2025, Maraykanku wuxuu u arkaa Berbera meel istiraatiji ah oo muhiim u ah xakameynta saamaynta Shiinaha ee gobolka, iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Waxa kale oo la sheegay in Dowladda Jabuuti ay diiday in ciidamada Maraykanku ay dhulkeeda ka qaadaan weerarro ciidan oo ay ku beegsanayaan kooxaha ka dagaalama mandaqada sida Xuutiyiinta taasina ay sare u qaadday qiimaha istiraatijiyadeed ee Berbera.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland. Sidoo kale, waxaa jira xeer sharciyeed la doonayo in lagu aqoonsado Somaliland, kaas oo dhawaan la horgeeyay golayaasha sharci-dejinta ee Maraykanka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeeda in ay Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan xidhiidh toos ah. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington ayaa sheegay in xidhiidh noocaas ahi uu dhaawici karo xidhiidhka u dhexeeya Muqdisho iyo Washington.