Jimco, Juun 20, 2025 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday in gobolka Hiiraan inuu noqdo maamul goboleed iskiis u taagan.
Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlaalay gogashii uu Shalay soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo ururada siyaasada ayaa sheegay in Hiiraan ay u qalanto iney noqoto maamul goboleed la mid ah kuwa haatan ka jira dalka.
Siyaasi Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale tilmaamay in loo baahan yahay wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka dalka oo uu xusay in haatan uu yahay mid qolooyin gaar ah dani ugu jirto.
"Dastuurku Qur'aan maaha, waxaan jeclaan lahaa inaan arko Hiiraan oo maamul goboleed gaar ah noqday iyo Shabeellaha Dhexe oo maamul gaar ah, aniga waxaan soo noqday Madaxweynaha Hirshabeelle waxaan si dhab ah u ogahay wax badan" ayuu madaxweynahii jore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Siyaasi Cosoble ayaa sidoo kale sheegay in maamul goboleedyada dalka qaarkood ay ku shaqeyn karaan laba gobol ama sadax gobol, islamarkaana kuwa qaar ay ku shaqeyn karaan hal gobol oo kaliya.
"Waxaana hubaa hadii Hiiraan maamul goboleed noqdo Shabeellaha Dhexe uu isna maamul noqdo in dalka uu gaari doono horumar kala duwan, lana arki doono bulsho iyo maamul is jecel, waxaana guud ahaan dalka ka bilaaban doono tartan la xariira dhanka hormarka iyo isla xisaabtanka" ayuu madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynahii hore ee Hirshabeelle ayaa kusoo aadaya, iyo mudo ka badan sideed sano dadka reer Hiiraan ay saluug badan ka qabaan hanaanka awood qeybsi ee Hirshabeelle, islamarkaana ay si weyn u daneynayaan in gobolka Hiiraan uu noqdo maamul goboleed gaar ah.