6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 20, 2025
Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo dib loogu doortay kursiga HOP058
 

Jimco, Juun 20, 2025 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa dib loogu doortay kursiga HOP058 ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Doorasho ka dhacday degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee caasimadda Hirshabeelle ayuu Sambaloolshe kursigaan ku guulaystay iyadoo aan lagula tartamin, kaddib markii uu tanaasulay musharaxii la filayay inuu la tartamo, Ismaaciil Warsame Faarax.

Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa dhawaan laga qaaday xilkii Taliyaha NISA, xilkaas oo uu hayay muddo sanad ah. Intii uu xilka hayay, kursigiisa xildhibaanimo ayaa ahaa mid bannaan, waxaana muuqata in uu qorsheystay in uu dib ugu laabto kursigiisa marka uu ka dego xilka NISA.

Sanbaloolshe ayaa horey mar kursigan u waayay xilligii dowladdii madaxweyne Farmaajo, kaddib markii xilka taliyaha NISA laga qaaday ayuu u tartamay difaacidda kursigiisa balse wuu ku guuldarreystay.

Sanbaloolshe ayaa dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay wuxuu mar ahaa xildhibaan baarlamaanka ka tirsan, marna taliyaha hay’adda NISA – isagoo  noqday masuulka kaliya ee saddex jeer madax ka noqday NISA.

Xilka ka qaadistiisa NISA waxay kusoo beegantay xilli gobolka Hiiraan, oo uu kasoo jeedo, ay dadkiisu  dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilayaan in ay ku cidlaysay dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.