Jimco, Juun 20, 2025 (HOL) - Dowladda Israa’iil ayaa Khamiistii sheegtay inay doonayso in Maraykanku gacan ka siiyo weerarrada ay ku hayso xarumaha nukliyeerka ee Iran, xilli Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu muddo 2 todobbaad gudahood ah uu go'aan kaga gaadhi doono in Maraykanku colaada ku lug yeesho iyo in kale.
Israa’iil ayaa toddobaadkii hore bilawday weerarro cirka ah oo ay ku qaaday Iran, iyadoo ku doodaysa in Tehran ay ku dhowdahay in ay samaysato hub nukliyeer ah. Weeraradan ayaa sababay is-weydaarsi gantaalo khatar badan oo khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba u geystay laba dal.
Khamiistii, gantaal ay Iran sheegtay inuu ku socday saldhig ciidan iyo sirdoon ayaa haleelay Isbitaalka Soroka ee magaalada Beersheba ee koonfurta Israa’iil, taasoo sababtay dhaawac 40 qof iyo dab qabsaday qaybaha isbitaalka.
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa weerarkaasi kadib si adag ugu hanjabay Hoggaamiyaha Sare ee Iran, Ayatullah Cali Khumayni, isagoo ku eedeeyay mas’uuliyadda weerarkaasi. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo hadal jeediyay kadib weerarka, ayaa sheegay in Iran ay “bixin doonto qiimo culus” weerarkaasi awgii.
“Israa’iil waxay awood u leedahay in ay weerarto dhammaan xarumaha nukliyeerka ee Iran, waxananu soo dhawaynaynaa caawinaad kasta" ayuu yidhi Netanyahu. “Trump wuxuu sameyn doonaa waxa u wanaagsan Mareykanka, aniguna waxaan sameyn doonaa waxa u wanaagsan Israa’iil.”
Dhanka kale, Donald Trump ayaa sheegay Arbacadii in Iran ay doonayso inay wakiillo u dirto Aqalka Cad si ay uga wadahadlaan heshiis cusub oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka iyo sidii loo joojin lahaa dagaalka kala dhexeeya Israa'iil.
Iran ayaa si cad u beenisay sheegashada Trump, iyada oo sheegtay in anay wax wadahadal ah dalbanayn inta weerarada Israa'iil socdaan, waxayna sheegtay in ay isdifaacayso oo anay muujinayn haba yaraayee wax jiljileec ah.
Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa la filayaa inuu Jimcaha maanta ka qayb galo wadahadallo ka dhacaya magaalada Geneva, halkaas oo ay isugu imanayaan wakiillo ka kala socda Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo Midowga Yurub oo doonaya in colaadda wadahadal lagu dhameeyo.
Trump waxa uu sheegay inuu tixgelinayo “suurtagalnimada” in dib loo bilaabi karo wadahadalladii nukliyeerka Iran, kuwaasoo hakad galay kadib weerarradii Israa’iil ay ku beegsatay madaxda ciidamada iyo xarumaha nukliyeerka Iran.
Donald Trump ayaa sannadkii 2018 si rasmi ah uga baxay heshiiskii nukliyeerka Iran ee loo yaqaanay Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA), kaas oo ay Iran la gashay quwadaha waaweyn ee caalamka sannadkii 2015.
Go'aankaas uu Trump qaatay wuxuu sababay inuu burburo is-aaminaaddii lagu dhisay heshiiska, iyadoo Maraykanku dib ugu soo rogay Iran cunaqabateyn adag oo dhaqaale, taasoo sii hurisay xiisadda gobolka.
Hadda oo xiisad culus ay ka taagan tahay Bariga Dhexe, waxaa la filaya in Trump uu dib u bilaabo wadaxaajood, isaga oo isku dayaya inuu helo heshiis cusub, oo u danaynaya Israa’iil iyo Maraykanka, halka Iran ay u badan tahay inay dalbato in la qaado dhammaan cunaqabateynta si wadaxaajood dhab ah loo furo.
Xaaladda gobolka ayaa si degdeg ah uga sii dareysa, iyadoo khilaafka u dhexeeya Isra’iil iyo Iran uu galay heer halis ah oo laga cabsi qabo inuu ku fido gobolka oo dhan.