Hiiraan Online
6/23/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Jun 20, 2025
Itoobiya iyo Howlgalka AFRICOM oo kawada hadlay xoojinta dagaalka Al shabaab iyo Daacish
Jimco, Juun 20, 2025 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku qaabilay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya taliyaha howlgalka Mareykanka ee Africa General Michael Langley oo booqanaya wadankaasi.
Qoraal kooban oo ay kulankaasi kasoo saartay saafaradda Mareykanka ee Addis Ababa waxa ay ku sheegtay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo General Michael Langley ay kawada hadleen arrimo ay ugu weyn tahay ammaanka geeska Africa.
Safaarada ayaa tilmaamtay in wada hadalada inta ay socdeen laisku soo hadal qaaday xoojinta dagaalka lagula jiro Kooxaha Al shabaab iyo Daacish.
"General Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa booqday Itoobiya, wuxuuna la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Wada hadalkooda ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga khataraha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish ee Geeska Afrika." Ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda oo lasoo dhigay Barta X.
Dhankiisa Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in isaga iyo Generaalka ay wada hadaladoodi ku qotontay iskaashiga Dowladda iyo AFRICOM dagaalka la xiriira Al shabaab iyo Daacish.