Jimco, Juun 20, 2025 (HOL) - Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysn oo gudaha degmada Aadan Yabaal ka fuliyeen ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya kuwa Saaxiibada Caalamka.
Howlgalkaan ayaa la tilmaamay in si gaar ah loogu beegsaday guri ku yaala degmada Aadan Yabaal oo kooxdu u ahaa xarun istaraatiiji ah oo ay ku uruuriyaan saanadda ciidanka iyo halka ay ku abaabulaan maleeshiyaadkooda.
Howlgalka ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsan kooxda oo si gaar ah loola socday dhaqdhaqaaqooda, islamarkaana magacyadooda dib laga soo sheegi doono, sida lagu sheegay Warsaxafadeedka.
"Intii uu socday howlgalkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa sido kale sheegtay iney ka go'an tahay ciribtirka kooxda Al-shabaab, iyadoo kaashanaysa dadka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-