Jimco, Juun 20, 2025 (HOL) - Warbixinta cusub ee Global Peace Index 2025, oo ay soo saartay Institute for Economics & Peace (IEP), ayaa Itoobiya ku tilmaantay mid ka mid ah dalalka Afrika ee ugu colaadaha badan, iyadoo ay weheliyaan Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Warbixintu waxay muujisay in dunida ay haatan la tacaalayso 59 dagaal oo dawladuhu wadaan, taasoo ah tiradii ugu badnayd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Afrika ayaana lagu sheegay in ay hoy u tahay qaar ka mid ah colaadaha ugu halista badan.
Inkasta oo dagaalkii labada sano socday ee gobolka Tigreey uu si rasmi ah u dhammaaday kadib heshiiskii Pretoria, haddana warbixintu waxay si gaar ah u iftiimisay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Eriteriya oo ay ku tilmaantay “mid ka mid ah xiisadaha ugu khatarta badan ee si degdeg ah dagaal isugu badali kara.”
Warbixinta Global Peace Index ma sii faahfaahin colaadaha kale ee gudaha Itoobiya, balse waxay xustay in dagaallada hubeysan ee ka socda gobollada Amxaarada iyo Oromada ay weli socdaan, iyagoo sababay burbur baahsan oo soo gaadhay shacabka iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Gobolka Amxaarada ayaa ku jiray xaalad dagaal ku dhowaad laba sano, iyadoo ay is-hayaan ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Fano. Dhanka kale, gobolka Oromada ayaa lix sano oo xidhiidh ah wajahaya dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), taasoo aan weli xal rasmi ah loo helin.
Sidoo kale, in ka badan 11,000 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay dhawaan ku barakaceen rabshado ka dhacay xuduudka gobollada Oromada iyo Benishangul-Gumuz.
Dhinaca kale, warbixintu waxay iftiimisay in dalal badan oo kamid ah Afrika ay ku lug leeyihiin colaado ka baxsan xuduudahooda, halka qaarkoodna ay door ka ciyaarayaan nabadaynta colaaddaha ka jira waddamada kale ee qaarada.
Dalal ay ka mid yihiin Rwanda, Nigeria, iyo Ghana ayaa lagu sheegay in ay ku lug leeyihiin shan ama in ka badan oo ah dagaallo ka baxsan xuduudahooda, iyadoo badankood ka qayb qaadanayaan howl-gallo nabad ilaalin ama la-dagaalanka argagixisada.
IEP waxay inta ku dartay in dunidu ay galeyso “xilli kala-jab siyaasadeed oo heer caalami ah,” iyadoo ay jirto wax ay ku sheegtay “sinnaan la’aan nabadeed,” taasoo macnaheedu yahay in ay yaraadeen colaadaha lagu dhammeeyo heshiisyo rasmi ah.
Warbixintan ayaa digniin adag u noqon karta dalalka Geeska Afrika, iyadoo muujinaysa baahida degdegga ah ee loo qabo xal waara iyo wadahadal diblomaasiyadeed oo lagu yareeyo colaadaha gudaha dalalka iyo kuwa xuduudahooda ka baxsan oo u baahan iskaashi.