Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - Dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in aysan wax wadahadal ah ka geli doonin barnaamijkeeda nukliyeerka inta Israa’iil sii waddo weerarrada tooska ah ee ay ku hayso gudaha dalkeeda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi, ayaa sheegay in "xasilooni siyaasadeed laga hormarinayo wada-hadal kasta," isagoo carrabka ku adkeeyay in Tehraan ayna arrimaha nukliyeerka kala fadhiisan doonin Maraykanka ama Midowga Yurub ilaa gardarrada Israa’iil ay joogsanayso.
Wadahadallo muhiim ah ayaa Jimcihii lagu qabtay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo Araghchi uu kula kulmay wasiirrada arrimaha dibadda ee Faransiiska, UK, Jarmalka iyo wakiilka Midowga Yurub, Kaja Kallas. Inkasta oo kulanku uu ahaa mid rasmi ah oo “ixtiraam leh” sida Araghchi sheegay, haddana lagama gaadhin wax natiijo ah oo la taaban karo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa kulanka kadib sheegay in Iran ay muujisay rabitaan ay ku doonayso in dib loogu laabto miiska wadahadalka, balse ay lagama maarmaan tahay in Tehraan ay si dhab ah uga go’an tahay wadahadal ay la yeelato Maraykanka iyo dunida inteeda kale. Wuxuu intaas ku daray in, “Iran ay u baahan tahay in ay ballanqaaddo go’aan siyaasadeed oo dhab ah si nabad loo gaadho.”
"Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran waxa uu muujiyay inuu diyaar u yahay sii wadida wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka iyo guud ahaan arrimaha kale, waxaana rajeyneynaa in Iran ay ka go'antahay sii wadida wadahadallada, iyo in ay la fadhiisato Mareykanka, si heshiis la isku raacsan yahay loo gaadho" ayuu yidhi Barrot kadib wadahadallada.
Iran ayaa dhaleeceyn kulul u jeedisay dalalka Yurub, iyadoo ku eedeysay in ay ka gaabiyeen cambaareynta weerarada Israa’iil. Araghchi wuxuu shir jaraa’id ka sheegay in weerarada Israa’iil ee dhacay maalmo uun ka hor wadahadalladii u qorshaysnaa Iran iyo Mareykanka ay yihiin “khiyaano iyo gaf loo gaystay sharciga caalamiga ah.” Wuxuu sidoo kale Qaramada Midoobay u sheegay in Israa’iil ay si ula kac ah u burburisay dadaalladii diblomaasiyadeed.
Dagaalka u dhexeeya labada dal ayaa galay maalintii sagaalaad, iyadoo weerarro cirka ah oo iswaydaar ah lagu beegsanayo magaalooyin waaweyn iyo saldhigyada ciidamada ee labada dal taas oo muujinaysa in xaaladdu u gudubtay dagaal rasmi ah oo la isku muquuninayo.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay weerareen xarumo muhiim ah oo tiknoolajiyadda gantaallada iyo difaaca cirka laga hago, gaar ahaan kuwa ku yaalla Isfahan. Afhayeen u hadlay ciidamada IDF ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid horey loo qorsheeyay oo lagu doonayo in lagu xaddido awoodda Iran ee weerar celinta.
Weeraradii ugu dambeeyay ee Iran ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan 17 qof gudaha Israa’iil ah, iyadoo saddex kamid ah xaaladoodu tahay mid aad u daran. Magaalooyinka Tel Aviv, Ashdod iyo Haifa ayaa laga dareemay qaraxyo iyo digniinta siren ka taasi oo sababtay in dad badan ay u qaxaan xarumaha gabbaadka.
Qaramada Midoobay ayaa warbixin rasmi ah ku cambaareysay weerarrada ay Israa’iil ku hayso Iran, iyagoo ku tilmaamay in ay jebinayaan xeerarka caalamiga ah ee ilaalinta rayidka. Khubaro madaxbannaan oo QM ka tirsan ayaa sheegay in khasaaraha ba’an ee gaadhaya dadka rayidka ah, gaar ahaan haweenka iyo carruurta, uu si cad u muujinayo ba’anida colaadda.
Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa wajahaya cadaadis xooggan xilligan cakiran, si ay dib ugu bilaabaan wadahadalladii nukliyeerka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa dhowaan sheegay in dalkiisu diyaarinayo hindise cusub oo nabadeed, isagoo taageero ka raadinaya dalalka dariska ah sida Jordan.
Warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in Washington laga sugayo doorkeedii dhex-dhexaadinta si looga hortago dagaal buuxa.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dalkiisu aanu joojin doonin weerarada ilaa ay "ka takhalusayaan khatarta Iran." Wuxuu ku dooday in Israa’iil leedahay xaq ay iskaga difaacdo "cid kasta oo khatar ku ah jiritaankeeda," isagoo si dadban uga digay in Iran ay weli halis ku tahay gobolka iyo caalamkaba.
Dhinaca shacabka, xaaladdu way kasii daraysaa. Kumannaan qof ayaa barakacay, isbitaallada ayaa buux dhaafay, halka saacadaha gelinka dambe ee habeenkii ay magaalooyin badan mugdi iyo cabsi ku jiraan.
Falanqeeyayaasha gobolka ayaa ka digaya in haddii beesha caalamku ay si degdeg ah u dhex-gelin waydo, uu dagaalkani isu rogi karo mid ka mid ah kuwa ugu halista badan ee Bariga Dhexe ka dhaca tan iyo dagaalkii Ciraaq iyo Kuwayt.