Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - 10 xisbi Siyaasadeed oo ku Mideysan Isbahaysiga, Caddaaladda iyo Rajo Soocelinta Soomaaliyeed (ICRSOS) ayaa ka horyimid inta badan qodobadii laga soo saaray Shirkii Gogoshada wadatashiga ee horey uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya laguna soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed ay soo saareen waxa ay ku sheegeen inay ku Baaqayaan Midnimo Siyaasadeed, Doorasho Wada-ogol ah, iyo in lagu laabto Dastuurkii He'shiiska lagu ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyeen inuu horey u Laalay.
Tobanka xisbi siyaasadeed ayaa shaaca ka qaaday in ay shir qaran ku yeesheen magaalada Muqdisho loogana hadlay xaaladda cakiran ee siyaasadeed, burburka hay'adaha dastuuriga ah, iyo halista sii kordheysa ee nidaamka dowladnimo lagu burburinayo.
Waxaa kamid ahaa qodobadii shirkoodi kasoo baxay in ay mideeyaan codkooda siyaasadeed si ay u difaacaan danta qaranka, loogana hortago burburka dowladnimada.
Sidoo kale waxay ku xuseen war saxaafadeedkooda inay si kulul u cambaareenayaan weerarada lagu hayo ururrada siyaasadeed ee sharciga ah, iyo abuurista xisbiyaal been abuur ah oo lagu hagayo dano gaar ah oo khatar ku ah dimuqraadiyadda
Xisbiyadaan 10ka ah ayaa cambaareeyn kala dul dhacay Shirka ay Dowladda Federaalka ah ku qabatay magaalada Muqdisho ee gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxay ku tilmaameen mid noqday sharci-darro oo ka leexday heshiisyadii siyaasadeed ee hore ummadda Somaaliyeed u gaartay uuna isku badalay shirkaasi madal hal xisbi isku ah.
HALKAAN HOOSE KA AKHRI WAR SAXAFADEEDKA XISBIGA IYO MAGACYADA 10KA XISBI.