Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku eedeeyay shirkadaha bangiyada in ay ku xadgudbeen hantidii ummaddu ku aamintay, isagoo sheegay inay u isticmaaleen maalgashiga dhismayaal qaali ah oo aan suuq lahayn.
“Bangiyadu waa kuwo gaar loo leeyahay, balse hantida ay hayaan waa mid dadweyne. Ma jiro sharci u oggolaanaya inay sida ay doonaan ugu tasarufaan. Go’aannadooda waa in lagu xisaabtamo. Ma aqbali karno inay hantida dadweynaha dhagax iska geliyaan, ka dibna yiraahdaan lacagtii ma hayno,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Deni waxa uu sheegay in bangiyada Puntland aan laga helayn lacago kaash ah, taasoo uu sheegay in ay sabab u tahay in bangiyadu ay guryo uga dhisteen Soomaaliya iyo dalalka deriska sida Kenya.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in guryaha la dhisayo ay yihiin kuwo looga deyday dalal dhaqaale ahaan horumaray, balse aysan waafaqsanayn xaqiiqda nololeed ee ka jirta Puntland.
“Marka aad ku faanayso inaad dhistay guryo qurux badan, ma isweydiisay in dadka adiga kuu ah macaamiisha ay awoodaan inay iibsadaan ama degaan guryahaas?” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa ugu dambayn ku baaqay in la helo nidaam dowladeed oo xakameeya dhaq-dhaqaaqyada noocaas ah, si loo ilaaliyo danaha shacabka loona sugo kalsoonida lagu qabo hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada dalka.