6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 21, 2025
Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyay waqtiga uu xirmaayo kalfadhiga Lixaad
 

Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 22-ka Bisha June uu si rasmi ah u xirmayo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

War saxaafadeed ay soo saareen maanta ayay ku sheegeen in Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo gudanaya waajibaadka Dastuuriga ee ku xusan Qodobbada 66d (2) iyo 74d (2) cc Dastuurka KMG ah, iyo qodobka 23 (1) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo qodobka 21d (1) ee Xeer-hoosaadka Golah Shacabka, ay go'aamiyeen in Kalfadhiga 6 ee Baarlamaanka 1aad uu xirmayo taariikh 22-ka Juun 2025.

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in marka ay mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay waajibaadkoodi dib ugu soo labaanayaan ay noqon doonto 22-ka Agosto 2025.

Guddoonka Labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga mahadcelinayaan Senatarada iyo Xildhibaanada Labada Aqal sida sharafta iyo qiimaha leh ee ay u guteen waajibaadkooda Dastuuriga ah mudadii lagu gudajirey Kalfadhiga baad ee Baarlamaanka 1aad, waxayna Senetarada iyo Xildhibaarnada u rajeyeen in ay fasaxa ku soo dhammeystaan caafimaad iyo nabadgelyo sida lagu yiri war saxaafadeedka labada Guddoon ay soo saareen.

Ugu dambeyn, Guddooku wuxuu ku boorriyay Xubnaha labada Aqal in ay gutaan hawlaha loo idmaday xilliga uu xiran yahay Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu qeexayo qodobka 14d faqradda 4ad xarfaha (b, t, j, iyo x) ee Xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo qodobka 7d faqradda 3and (a, b, c, d iyo e) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.