6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 21, 2025
Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Deg Dega ee Wasiirada Wadamada Jaamacadda Carabta

Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Dhaay, ayaa ka qeyb galay shir deg deg ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ay ku yeesheen Jimcihii Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kalfadhigaan heerka sare ah ayaa loogu yeeray codsiga Ciraaq si wax looga qabto weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Israel ku qaadeen Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo saameyntooda ballaaran ee xasiloonida gobolka, waxaana ay ku baaqeeyn in xiisadda sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo.

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan bariga dhexe kadib markii ay cirka isku sii shareertay xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran, taasoo keentay walaac laga qabo isku dhac ballaaran oo gobolka ah.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta ayaa ka wada hadlay baahida degdegga ah ee loo qabo xoojinta midnimada Carabta iyo in la sameeyo jawaab isku dhafan si looga hortago xasilooni dari weyn oo ka dilaacda bariga dhexe.

Khudbadiisa, Wasiir Dhaay waxa uu mar kale ku celiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mabaadi’da nabadda gobolka, gardarada la’aanta, iyo wadajirka wadamada, waxa uuna carabka ku dhuftay muhiimada ay leedahay ilaalinta nolosha rayidka iyo ilaalinta madax banaanida dowladaha.

Wasiirada ayaa sidoo kale ka wada hadlay tillaabooyinka diblumaasiyadeed ee loo baahan yahay in lagu xakameyo qalalaasaha iyo in la hubiyo in qaab dhismeedka amniga gobolka uu ahaado mid sugan, Shirkaan deg dega ah wuxuu ku soo idlaaday baaq midaysan oo ku aaddan xakamaynta iyo dadaallada dib-u-cusboonaysiinta ee ku aaddan wada-hadallada dowladdaha dirirtu u dhaxeeyso.