6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 21, 2025
Ciidamada xoogga dalka oo si buuxdo ula wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole
 

Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo maalmahii lasoo dhaafay ku sugnayeen Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa kooxda si awood ah uga saaray deegaanka Sabiid iyo deegaano kale oo hoostaga, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Guutada 7-aad Qeybta 12-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle sare Axmed Gaashaan.

"Guushaan waxay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay iskaga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen" ayuu yiri Taliye Axmed Gaashaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada is garabsanaya ay haatan ka wadaan deegaanka Sabiid iyo deegaanada kale ee hoostaga howlgalo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee deegaanadaas oo kooxda Al-shabaab ka talineysay mudooyinkii lasoo dhaafay.

Taliye Axmed Gaashaan ayaa sidoo kale sheegay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan dalka.

Howlgalkaan maanta ciidanka dowladda  ay kula wareegeen Sabiid iyo Caanoole ayaa kusoo aadaya, iyadoo kooxdu mudooyinkii dambe ku howlaneyd burburinta buundoyinka muhiimka ah oo ay isticmaalaan dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.