Sabti, Juun 21, 2025 (HOL) - Qof shacab ah oo ku hubeysnaa toorreey ayaa dhaawac u geystay Guddoomiyihii Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, Faysal Khaliif Wacays.
Warar aan ka helnay ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in guddoomiyuhu uu dhaawac culus soo gaaray, iyadoo loo qaaday magaalada Garowe si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.
Xilliga uu falka dhacay, guddoomiyuhu ma wadan wax ilaal ah.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in eedeysanaha falka geystay uu ahaa guddoomiyihii ururka dhalinyarada degmada Eyl, waxaana la tuhunsan yahay in weerarku salka ku hayo xil ka qaadis lagu sameeyay.
Guddoomiyaha ayaa dhaawucu kasoo gaaray dhinaca Dhuunta. Waxaana qofka falkaan geystay uu isku dayay inuu Toorreey ku dilo.
Eedeysanaha ayaa gacanta lagu dhigay, waxaana lagu xiray xabsiga degmada Eyl, inkastoo weli aysan si rasmi ah uga hadlin laamaha amnigu dhacdadan.