6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 22, 2025
Maraykanka oo Weeraray Xarumaha Nukliyeerka ee Iiraan: Dagaal Buuxa oo laga Cabsi Qabo inuu Qarxo

Axad, Juun 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay xalay weerar ballaadhan ku qaadeen saddex xarumood oo nukliyeer ah oo ku yaalla gudaha Iiraan, kuwaas oo kala ah Fordow, Natanz iyo Isfahan, isaga oo ugu baaqay Iiraan in ay hadda nabad qaadato.

Trump ayaa weerarka ku tilmaamay “guul weyn oo taariikhi ah”, wuxuuna uga digay Iiraan in haddii ay ku soo jawaabto weerarka, ay la kulmi doonto “ciqaab ka xoog badan middii ay aragtay xalay”.

“Waxaan dhammeystirnay weerarkeennii guusha ahaa oo aan ku beegsanay saddex xarumood oo nukliyeer ah oo Iiraan leedahay: Fordow, Natanz iyo Esfahan,” ayuu yidhi Trump. Wuxuu sheegay in bambooyin culus lagu riday xarumahan, diyaaradaha Maraykankuna ay si nabad ah uga baxeen hawada Iiraan.

“Hambalyo ciidamadeenna geesiyaasha ah ee Maraykanka. Ma jiro ciidan kale oo dunida ka jira oo awood u leh inay sidaan oo kale sameeyaan. Hadda waa waqtigii nabadda,” ayuu hadalkiisa raaciyay Trump.

Hay’adda Tamarta Atomiga ee Iiraan ayaa sheegtay in baadhitaanno ay sameeyeen ayna muujin wax sun ah ama khatar ah oo ka dhashay weerarka, isla markaana shacabka ku nool agagaarka xarumahaasi ayna wax halis ah ku sugnayn. Warbaahinta Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah goobaha nukliyeerka sida Fordow horey loo faaruqiyay.

Xildhibaan Manan Raasi, oo laga soo doorto magaalada Qom oo ay xarunta Fordow ku taallo, ayaa sheegay in burburku ahaa mid kooban, isla markaana dib loo dhisi karo. “Fordow si dhab ah looma burburin, waxa uu Trump sheegay waa been abuur,” ayuu yidhi.

Weerarkan ayaa si weyn loo cambaareeyay. Ururka DAWN oo uu aasaasay weriyihii la dilay Jamal Khashoggi, ayaa ku tilmaamay weerarka mid sharci-darro ah oo ka hor imanaya Dastuurka Maraykanka. “Keliya Kongareeska ayaa leh awoodda inuu oggolaado dagaal,” ayay tidhi Sarah Leah Whitson, oo ah Agaasimaha Fulinta ee DAWN.

Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa isna si adag uga horyimid weerarka. Hoggaamiyaha Aqalka Wakiillada Hakeem Jeffries ayaa sheegay in Trump uu si kalitalisnimo ah u qaaday weerarka isagoo aan la tashan Baarlamaanka. “Trump mas’uuliyad buuxda ha iska saaro cawaaqibka ka dhalan kara dagaalkan,” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Iiraan ayaa sheegtay in anay weli go’aan rasmi ah ka gaadhin jawaabta ay ka bixin doonto weerarka. Si kastaba ha ahaatee, khubarada siyaasadda ayaa ka digay in xulafada Iiraan ee gobolka  sida Xuutiyiinta Yemen, ururka Xisbullah ee Lubnaan, iyo kooxaha Shiicada ee Ciraaq ay si gaar ah ugu jawaabi karaan Maraykanka iyaga oo aan sugin amar rasmi ah oo ka yimaadda Tehran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan,Sayyed Abbas Araghchi, ayaa weerarka ku tilmaamay xadgudub wayn: "Maraykanku wuxuu si cad ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah, iyo heshiiska NPT, weerarka uu ku qaaday xarumaha nukliyeer nabadeed ee Iiraan."

Waxa uu  sheegay in weerarkaniyahay fal halis ah oo xadgudub ah, isla markaana uu yeelan doonaa cawaaqib waqti dheer, isaga oo ugu baaqay waddmada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay cambaareeyaan. "Iiraan waxay xaq buuxa u leedahay inay iska difaacdo si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, danaha qaranka iyo shacabka.

Xoghayaha Amniga Gobolka Qom ee Iiraan ayaa sheegay in xarunta Fordow  muddo hore la faaruqiyay, taas oo muujinaysa in weerarku uusan wax badan ka beddeli doonin awoodda nukliyeerka ee Iiraan. Sidoo kale, warbaahinta qaaar ayaa sii xoojinaysa arrinta oo sheegaya in maaddooyinka muhiimka ah ee nukliyeerka hore looga qaaday goobahaas.

Trump ayaa sheegay in weerarkan uu meesha ka saaray khatartii Iiraan ku haysay Israa’iil, balse muu caddeyn wax khatar ah oo toos ah oo Iiraan ku ahayd Maraykanka. Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta dhabta ah ee ka dambaysay weerarka, maadaama weerarka uu sharci darro noqonayo haddii aysan jirin khatar toos ah oo Washington wajahayso.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa ammaan u jeediyay Trump, isagoo sheegay in weerarkani uu “taariikh cusub qorayo.” Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa isna sheegay in taariikhdu xusi doonto “hoggaaminta geesinimada leh” ee Trump iyo Netanyahu ee weerarka Iiraan.

Xiisaddan cusub ayaa dhalisay cabsi laga qabo in gobolka uu u jiheysto dagaal weyn, iyadoo weli xusuusta shacabka ku jirto dagaalkii Ciraaq iyo dilkii Jeneral Qassem Soleimani iyo hoggaamiyayaashii kale ee ciidamada Iiraan. Waxaa hadda la sugayaa jawaabta rasmiga ah ee dowladda Iiraan iyo tallaabooyinka xiga ee Maraykanka.