6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 22, 2025
Iiraan oo jawaab adag ka bixisay weerarkii Mareykanka uu ku qaaday xarumaheeda Nukliyeerka

Axad, Juun 22, 2025 (HOL) - Dowladda Iiraan ayaa saacado kooban kadib weerarkii Mareykanku uu geystay xarumaheeda Nukliyeerka jawaab adag bixisay weerarkaas, waxayna duqeymo ka geysatay in ka badan 400 oo goobood oo ka mid ah dhulka maamusho Israa’iil.

Warbaahinta dalka Israa’iil ayaa weerarka saakay ku tilmaameen inuu yahay weerarkii ugu cuslaa oo ay Iiraan ku qaado  magaalooyinka dalkaas, islamarkaana  nidaamka difaacyada ee hawada Israa’iil ku guuldaraysteen qabashada gantaallada Iiraan.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in weerarka jawaab celinta ah ee Iiraan saakay ku qaaday Israa’iil inuu dhaliyay khasaare baaxad leh oo isugu jira mid nafeed iyo mid hantiyadeed.

Si kastaba ha ahaate talaabada uu Mareykanku ku weeraray xarumaha Nuclear ka Iiraan ayaa u muuqata mid si weyn u sii hurineysa xaaladda gobolka Bariga Dhaxe.

Dadka ka faalooda siyaada bariga dhexe ayaa sheegaya in suurtagal tahay in dagaalka ka socda bariga dhexe ee uu Mareykanka ku biiray in sidoo kale kusoo biiraan dalal kale oo horleh, taasoo sii adkeyn doonta xaalada adag ee ka taagan gobolka.