6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 22, 2025
Imtixaanka shahaadiga ee Somaliland oo si toos ah uga socda degaano ka tirsan maamulka Puntland

Axad, Juun 22, 2025 (HOL) - Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo fasalka 8aad ee Somaliland ayaa si toos ah uga socda deegaanno ka tirsan Bariga Gobolka Sanaag, kuwaas oo hoos yimaada maamulka Puntland.

Tallaabadan ayaa si cad uga hor imaanaysa amar dhawaan kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland, kaasoo sheegay in la joojiyay in imtixaanka Somaliland laga qaado deegaannada uu maamulo Puntland.

Goobaha imtixaanka Somaliland lagu galayo waxaa si buuxda u ilaalinaya ciidamo hubeysan oo kasoo jeeda Bariga Gobolka Sanaag, iyadoo siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan Somaliland oo kasoo jeeda gobolkaasi ay door weyn ku lahaayeen sidii imtixaankaasi loogu geli lahaa gudaha Sanaag Bari.

Maamulka Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa ku guuldareystay inuu joojiyo imtixaanka, kadib markii ay shalay isku dayeen inay hakad geliyaan imtixaanka ka socday degmada Badhan. Xiisad ka dhalatay arrintaasi ayaa sababtay in maamulkaasi ka laabto dadaalkii uu waday.

Wasiirka Waxbarashada Puntland, Fuaad Abshir Adeer, ayaa horey ugu eedeeyay masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag inay masuul ka yihiin in imtixaanka Somaliland la geeyo dugsiyo ku yaalla gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Qaraaje, ayaa safar degdeg ah ku tegay degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan, xilli uu magaalada Garowe ka socdo kalfadhigii 56-aad ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee Puntland uga wakiil ah gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa safarkiisa lala xiriirinayaa dadaallada lagu doonayo in lagu joojiyo imtixaanka Somaliland ee ka socda deegaannadaasi.