Axad, Juun 22, 2025 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goor dhow lagu wadaa in uu ka dago magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isagoo casuumaad rasmi ah ka hely madaxweynaha Siciid Deni.
Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo ku kala irdhoobay doorashada Soomaaliya ee 2022, ayaa dhawaan dib u soo celiyay xiriirkoodii siyaasadeed, iyagoo mowqif isku mid ah ka taagan wada nshaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada madaxweyne ayaa dhawaan kulankii ugu horreeyay ee ka fool fool ah ku yeeshay magaalada Nayroobi, halkaas oo ay wada hadal aan xogtiisa la helin ku yeesheen, kuna gaareen is afgarad.
Madaxweyne Deni ayaa haatan ku sugan garoonka diyaaradaha Garowe, isagoo halkaas ku sugaya madaxweyne Axmed Madoobe oo saacad ka hor kasoo kicitimay magaalada Kismaayo.
Labada madaxweyne ayaa Garowe ku yeelan doono kulan gaar ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda, amniga, iyo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan wada-shaqeynta maamul goboleedyada.
Waxaa la filayaa inay mowqif ay ku midaysan yihiin kasoo saaraan xaaladda dalka ku jiro, gaar ahaan doorashada, arrimaha dastuurka, iyo shirarkii ugu dambeeyay oo ay Dowladda FederaalkaSoomaaliya ay ku qabanaysay magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu gogol siyaasadeed u fidiyo mucaaradka Soomaaliya, iyadoo kulankan uu la yeelano Axmed Madoobe uu qeyb ka yahay qorshahaas sida xogta aan ku helnay.