Axad, Juun 22, 2025 (HOL) - Waddamada caalamka iyo ururrada caalamiga ah ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay weerarkii ay ciidamada Maraykanku xalay ku qaadeen saddexda xarumood ee nukliyeerka Iran ee Fordow, Natanz, iyo Isfahan. Qaramada qaar ayaa taageeray, qaar kalena si adag u cambaareeyay, halka kuwa kalena ay ku baaqeen in xiisadda la dejiyo.
Israa’iil Way Hambalyaysay Weerarka, Waxayna u Muujisay Taageero BuuxdaRa’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si weyn u bogaadiyay madaxweyne Donald Trump, isagoo sheegay in go’aankiisu yahay mid geesinimo leh. Wuxuu sheegay in weerarka lagu qaaday xarumaha nukliyeerka Iran uu yahay mid taariikhi ah oo aduunka ka difaacaya khatar weyn.
Iran Waxay Kaga Jawaabtay Digniin, Waxayna Ballanqaadday in ay Isdifaaci Doonto
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa ku eedeeyay Maraykanka inuu si badheedh ah ugu xadgudbay Axdiga Qaramada Midoobay, xeerarka caalamiga ah, iyo heshiiska Joojinta Faafista Hubka Nukliyeerka ee NPT. Wuxuu sheegay in Iran ay xaq u leedahay inay iska difaacdo ayna adeegsan doonto dhammaan ikhtiyaaraadka ay hayso si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda dhuleed iyo danta shacabka.
Qaramada Midoobay: Walaac Culus iyo Baaq DibloomaasiyadeedXoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si kulul uga hadlay weerarka. Wuxuu ku tilmaamay tallaabada Maraykanku qaaday mid halis ah oo khatar weyn ku ah nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.
Guterres wuxuu ka digay in xiisaddu ay kasii dari karto, taasoo keeni karta cawaaqib xun oo ay ku waxyeelloobaan dad rayid ah. Wuxuu ugu baaqay dhammaan waddamada inay ka fogaadaan gacan ka hadal, islamarkaana ay kusoo laabtaan miiska wadahadalka si xal diblomaasiyadeed loo gaadho.
Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa Bogaadisay Weerarka, Waxayna Ku Baaqday Wadahadal
Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay halis weyn. Wuxuu ammaanay tallaabada Maraykanku qaaday, balse wuxuu sidoo kale ugu baaqay Iran inay miiska wadahadalka kusoo noqoto.
Midowga Yurub (EU): Baaq NabadeedKaja Kallas, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la joojiyo gacan ka hadalka. Waxay ku baaqday in dhinacyadu kusoo noqdaan miiska wadahadalka si looga hortago fiditaanka khatarta.
Dalalka Carabta iyo Bariga Dhexe: Walaac iyo DigniinoWasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar ayaa muujisay walaac aad u weyn, iyadoo ka digtay in xiisaddu ay horseedi karto cawaaqib halis ah oo heer gobol iyo caalami ah. Sacuudi Carabiya ayaaa weerarka ku tilmaamay xadgudub lagula kacay sharciga caalamiga ah. Dhanka kale, Maryam Rajavi oo ah hoggaamiyaha mucaaradka Iran, ayaa ku tilmaantay weerarka “dhammaadka wax ay ugu yeedhay mashruuca hubka ee Khamayni" waxayna ugu baaqday hoggaamiyaha Iran inuu xilka baneeyo.
Dalalka Aasiya iyo Latin Amerika: Cambaareyn iyo Baaqyo DiblomaasiyadeedRa’iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishiba, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee New Zealand ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda. Dowladda Australia ayaa ku baaqday xal diblomaasiyadeed, iyadoo xustay in barnaamijka nukliyeerka Iran uu yahay khatar caalami ah.
Dhanka Latin Amerika, Venezuela waxay si adag u cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay gardarro milatari oo Maraykanku ku kula kacay Iran. Madaxweynaha Cuba, Miguel Díaz-Canel, ayaa isna ku tilmaamay weerarka “xadgudub weyn oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.”
Iran ayaa sheegtay in weerarka Maraykanku aanu burbur weyn u geysan goobaha nukliyeerka, maaddooyinkii muhiimka ahna horey looga qaaday. Inkasta oo aanay weli cadayn nooca jawaabta rasmiga ah ee ay qaadi doonto, haddana indhaha caalamka ayaa kusii jeeda Iran iyo tallaabada xigta ee ay qaadi doonto.