Axad, Juun 22, 2025 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay maanta booqasho ay uga bilaabatay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, iyadoo si weyn isha loogu haayo shirka isaga iyo Madaxweynaha Puntland dhex mari doona.
Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Labada maamul goboleed ayaa dhawaan qaadacay ka qeyb galka shirarka muhiimka ah ee golaha wadatashiga qaran, taasi oo muujineysa in uu sii xoogeysanayo khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka.
Madaxweyne Madoobe ayaa inta uu ku guda jiro socdaalkiisa Garowe waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Labada mas’uul ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha federaalka, xiriirka dowlad goboleedyada, iyo Shirarka wada-tashiga qaran ee looga arinsanaayo Siyaasadda guud ee Soomaaliya.
Shirka labada madaxweyne Garowe ku dhex mari doona ayaa noqon doona mid si heer sare ah loo soo agaasimayo waxaana uu imaanayaa xilli dhowaan la filaayo in markale uu qabsoomo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee horey loo qorsheeyay in 22kii Bishaan June, kaasi oo Puntland iyo Jubbaland aysan weli xaqiijin ka qeyb galka shirkaasi.
Kulanka ka dhacaya magaalada Garoowe ayaa laga yaabaa in uu muujinayo go’aan wada jir ah oo ay labada dowlad-goboleed uga jawaabayaan waxa ay u arkaan in dowladda federaalka ay ku xad-gudubtay siyaasadda dalka,.
Dadka odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in natiijada ka soo baxi karta wada hadallada Madoobe iyo Deni ay qaabeyn karaan qaabka iyo jihada xiriirka bilaha soo socda ee Dowlad Goboleedyadaan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.