Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in madaxda Dowladda aysan diyaar u ahayn in dalka uu markale ka dhacdo doorasho dadban.
Isagoo ka hadlaayay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kagana qeyb-galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey ergooyinkii ka qeybgalay Gogoshii Wadatashiga Qaran, ayuu shaaca ka qaaday in aysan suurtagal ahayn in Soomaaliya ay dib ugu laabto doorasho dadban, awooddana loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Xukuumadiisa ay dhiirrigelinayso talooyinka ku wajahan doorashada ee ay soo gudbiyeen haldoorka Soomaaliyeed ee isugu yimid gogosha, iyo kaalinta ay ka qaadanayaan hannaanka dimuqraadiyadeed, gaar ahaan habka loo marayo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo ku timaadda rabitaanka shacabka.
Sidoo kale Ra'iisul wasaare Xamsa, ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay midnimo iyo isku duubni, si looga gudbo nolosha dadban ee dhibaatada ku haysa amniga, doorashooyinka, dhaqaalaha iyo xaqiijinta guulaha waaweyn ee loo baahan yahay in Qaranka la gaarsiiyo.
“Waxa aynu u baahannahay in aynu u gudubno hannaan lagu mideysan yahay oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isu keenaya, haddii aynu ka baxno nolosha dadban waxa aynu ka gudbayna midnimo la’aanta colaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira dalkeenna”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Wali dowladda Soomaaliya waxa ay ku adkeeysanaysaa nidaam doorasho qof iyo cod ah waxaana mucaaradka dhankoodi ay sheegayaan in loo baahan yahay nidaam doorasho oo wadar ogol lagu yahay.