Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ahaa mid dhexmaray ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka oo dhinac ah iyo kuwa koooxda Al-shabaab, waxaana la tilmaamay in dagaalka khasaare xoogan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaalka saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Gayacad, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan, sida lagu sheegay Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Federaalka.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeynaysaa go’aankeeda ku aaddan difaaca shacabka Soomaaliyeed, ilaalinta midnimada qaranka, iyo ciribtirka guud ee Khawaarijta caadeystay daadinta dhiigga shacabka" ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Dagaalkaan ka dhacay Deegaanka Mabaax iyo deegaanada kale ee ku dhadhaw ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilawgii bishaan deegaanadaasi ay ka dhaceen dagaalo aad u qaraaraa oo dhexmaray ciidanka Macawiisleyda iyo Al-shabaab, waxaana dagaaladaasi ahayeen kuwa jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:- 