6/23/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 23, 2025
Soomaaliya oo laga saaray liiska wadamada askareeya Caruurta xilliyada Colaadaha
 

Isniin, Juun 23, 2025 (HOL) - Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya laga saaray liiska kuwa ku lugta leh askareeynta caruurta, oo in muddo ah safka hore ay kaga jirtay wadamada Colaadaha ka jiraan ee Caruurta lagu askareeyo.

War ay soo saartay wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in mar kasta mudnaan gaar ah ay siiso ka hortagga askareynta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan, si waafaqsan Dastuurka dalka iyo heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah ee ay Soomaaliya saxiixday.

"Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ku hadlaysa magaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxay hambalyo u diraysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida guusha go'aankii ay Qaramada Midoobay ku shaacisay 17-kii Juun 2025, 00 Ciidamada Qalabka Sida si rasmi ah looga saaray Liiska kuwa ku lugta leh askaraynta carruurta."ayaa lagu yiri war saxafadeedka Wasaaradda.

Sidoo kale waxa ay intaasi raacisay Wasaaradda in ka saarida Soomaaliya ee liiska wadamada askareeya Caruurta ay caddayn u tahay isbeddelka hufan ee Soomaaliya ku tallaabsatay, waxaana ay ka dhalatay wadashaqayn dhow oo u dhaxaysay Xukuumadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay'adaha UNICEF iyo UNTMIS, iyadoo la fuliyay qorshaha qaran ee badqabka carruurta si waafaqsan dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee la xiriira carruurta xiliyada colaadaha hubaysan.

"Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah guddoonka Guddiga Badqabka Carruurta ee xilliyada colaadaha hubaysan, waxay si gaar ah u bogaadineysaa shaqadii muhiimka ahayd ee ay wada qabteen xubnaha guddiga iyo hay'adaha Qaramada Midoobay"ayaa lagu yiri war saxafadeedka Wasaaradda.

Ugu dambeyn warsaxaafadedka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu xusay in ay ka go'an tahay fulinta ballan-qaadyada iyo heshiisyada u dhexeeya Xukuumadda iyo Qaramada Midoobay ee la xiriira ilaalinta carruurta xilliyada colaadaha hubaysan.